Dr Cali Isaaq Cabdi "Haddii Dadka Juudaanka qaba dadka cuni lahaayeen,Aabahey ayaa i cuni lahaa"

0
Friday March 11, 2016 - 17:02:40 in Maqaallo by
  • Visits: 2304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Cali Isaaq Cabdi "Haddii Dadka Juudaanka qaba dadka cuni lahaayeen,Aabahey ayaa i cuni lahaa"

    Waxaa ii suurta gashey in aan Wareysi la yeesho Dr Cali Isaaq Cabdi oo ah Dhaqtar ku takhasusey Xanuunka Juudaanka (Leprosy) waxaana uu u dhacay Wareysigii Sidatan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ii suurta gashey in aan Wareysi la yeesho Dr Cali Isaaq Cabdi oo ah Dhaqtar ku takhasusey Xanuunka Juudaanka (Leprosy) waxaana uu u dhacay Wareysigii Sidatan

Su’aal:Maxaa keena Xanuunka Juudaanka ?

Jawaab:Juudaanka waa Xanuun ka mid ah Xanuunada aadka u faafa oo haleela Cidiyaha,Unugyada Maqaarka sida Dhamaan Lakabyada Maqaarka oo dhan isagoo marka dambe gaara qaybta Baruurta ilaa Murqaha. Kaasoo aakhirkii waxyeello u geysta Xarunta Dhexe ee Maskaxda "CentralNervous System (CNS) sidoo kale Xanuunka Juudaanka waxaa keena Bakteeriyada la yiraahdo(Mycobacterium Laprea)

 

.Su’aal:Maxaa kuugu Dhalliyey in aad Barato Daaweynta Xanuunka Juudaanka ?

2

Jawaab: Waa Su’aal aad Muhiim ah, in aan barto Daaweynta Xanuunka Juudaanka waxaa igu dhaliyey marka hore aan kuu sheegee, Xanuunkaa waxaa u Geeriyoodey Aabaheey sidaa Darteed mar hadii uu aabahaay u dhintey Xanuunkaas ayaan Goosatey in aan barto Cilmiga Caafimaadka gaar ahaan Xanuunka (Leprosy) Juudaan si aan Bulshada Soomaaliyeed uga daaweeyo oo uusan ruux kala nooga dhiman ama nooga dhicin

Su’aal:Qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed waxay qabaan in Ruuxa qaba Xanuunkaan Juudaanka uu dadka uu Cuno taas maxaa ka leedahay?

Jawaab:Dadka qaba Fikrkaas waa dad wax ma garato ah, waxaa la yaab leh Ruux Xanuunsan oo u baahan in la caawiyo in la yiraahdo dadka ayuu Cunaa waa wax aad looga xumaado , Runtii haddii dadka Juudaanka dadka Cunaan Aabaheey ayaa I Cuni lahaa marka weli Bulshada waxay u baahan tahay in la wacyigeliyo si loogu sheego in Xanuunkaa uu ka mid yahay Xanuunada dunida ka jira

Su’aal:Xanuunka Juudaanka ma ka mid yahay Xanuunada la iska Dhaxlo?

Jawaab:Xanuunka Juudaanka ka ma mid aha Xunuunada la iska dhaxlo waayo Aabahey markii uu Xanuunkaas uu haleeley Caruur fara badan ayuu dhaley kuwaa oo Maanta Caafimaad qaba marka waa Cudur aan la iska dhaxlin , aan kuugu siidaree aniga ayaa ka dhaxli lahaa Aabahey Xanuunkaas

Su’aal Maxaa Xanuunkaa ku badiyey Dhulka Koonfurta Soomaaliya ?

Jawaab:Maya sidaa ma aha, Dowladii Hore ayaa Xarun weyn oo lagu Xanaaneeyo dadka qaba Xanuunka Juudaanka ka furtey Deegaan ku dhow Magaalada Jilib, Runtii Xaruntaa waxaa ku jirey Dad laga keeney Dhamaan Goboladda Dalka, sidaa darteed markii Xaruntaa ay burburtey ayaa dadkii ku Xareysnaa Xaruntaa waxay ku soo faafeen Degmooyinkii u dhawaa sida Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Shabeelada Hoose

Su’aal : Habkee ayaa loo daaweyn karaa:

Jawaab:Daawaynta Xanuunka Juudaanka waxayna u baahan tahay qorshe waxaana howshaasi sameyn kara Dowladoo kaliya madaama uu Cudurka uu ka mid yahay Xanuunadda Faafa , habka Daaweynta Xanuunaka Juudaankakama duwana sida daaweynta Qaaxada oo ruuxa qaba Xauunka Juudaanka waa lagu hubsadaa Daawada oo waxaa loo baahan yahay in mar waliba yimaado arunta Daawada

Su’aal Daawadee ayaa ugu Muhiimsan in uu qaato Bukaanka ?

 

Jawaab:Daawada ugu Fiican waa"Dapsone”waxana la soo saaray 1950kii, waxaa sooraacaRifampicinoo Soomaalida ay u taqaanRifidiin.Sidoo kale waxa kamid ah Daawaayinkaas (Clofazimine(Lamprone)dhammaan daawooyinkan waxay waxtar leeyihiin iney toos u baabi’iyaan Bakteeriyada keentay cudurka Juudaanka. Waxaa la xaqiijiyay in seddex maalmood `kadib qaadashada daawda Juudaanka uusan bukaanku wax halis caafimaad uusan ku haynDeeganka iyo dadka uula nool yahay, waayo ma gudbin karo cudurka, daaweynta ugu yaraan waa hal sano oo xiriir ah taasoo haddaba qiimayn lagusameynayo xaalada bukaanka.

Su’aal Sidee Looga Hortagi Karaa?:

Jawaab:Waxaa looga hortagi karaa talaabooyin badan oo la qaado sida in lahirgaliyo xarumo caafimaad oo heer Dowladeed si loo helo Goobo Baaritaan sidoo kale waxaa loo baahan yahay Goobo lagu Xareeyo dadkaas inta ay dhameysanayaan Daawada

Su’aal:Maxaa ku talineysaa oo aad bulshada u sheegeysaa?

Jawaab:Waxaan bulshada u sheegayaa in xanuunkaasi uu Ilaah keeno lana mid yahay xanuunada la daaweyn karo, Daawadiisuna la mid tahay Xanuunada kale, sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in la kordhiyo Wacyi gelinta Bulshada si meesha looga saaro Faquuqa lagu hayo dadka qaba Xanuunka Juudaanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

xigasho:-somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip