Saad al-Jabri: Waa kuma ninkan xukunka ka tuuri kara Maxamed Bin Salmaan?

0
Sunday August 23, 2020 - 12:49:51 in Wararka by
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saad al-Jabri: Waa kuma ninkan xukunka ka tuuri kara Maxamed Bin Salmaan?

    Markii la waayay suxufigii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga oo markii u dambeysay galay gudaha Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay Istanbuul 2-dii bishii October ee sanadkii 2018-kii, reer Galbeedku waxay ka laba-labeynayeen in uu rumeysto warkii ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii la waayay suxufigii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga oo markii u dambeysay galay gudaha Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay Istanbuul 2-dii bishii October ee sanadkii 2018-kii, reer Galbeedku waxay ka laba-labeynayeen in uu rumeysto warkii kasoo baxayay Madaxtooyadda Turkiga ee ahaa, Jamaal Khashoggi in la dilay meydkiisana la cirib tiray. Labo todobaad ayaa la dhaafay ka hor inta aysan wakiil wareedka New York Times Carlotta Gall ku eedeysay Madaxtooyadda Turkiga in ay adeegsaneyso akhbaar dusin gaar ah, si ay cadaadis u saarto Dowladda Sacuudiga. Iyadoo shaki ka muujineysa faah-faahinta ah in Khashoggi la dilay, ayey Gall qortay 19-kii October ee sanadkaas "Muxuu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka aaminsanyahay qadarta ku dhacday suxufiga?" "Kiiska miyaa ah fursad muddo la sugayay, marka uu warbaahin gaar ah uu siinayo faah-faahinta kiiska, Dowladda Mr, Erdogan qudheeda ayaa markii horeba cadaawad kula jirtay suxufiyiinta madaxa banaan," ayey qortay.    Waxaa beegdsaday Tiger Squad

        Afar maalmood ka hor inta aysan The New York Times muujin shakigaas, hadda waxaan ognahay in koox ka socotay Maxamed Bin Salman oo la baxday Tiger Squad ay qorsheeyeen dilkii labaad kana degeen magaalada Toronto – dhamaantood waxay ka koobnaayeen 50 qof oo ay ku jireen khubaro ku taqasustay caddeymaha dambiyada ah.

            Howlgalkoodu Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan wa uu uga khatar badnaa kii Khashoggi. Ninka la beegsanayey ee Saad Al-Jabri waxaa uu ahaa gacanta midig ee Maxamed bin Nayef, ee wasaaradda arrimaha gudaha. Waxaa uu lahaa darajadda wasiir. Waxaa uu ogaa dhammaan siraha wasaaradiisa, oo ay ka mid tahay in Boqor Salmaan iyo wiilkiisu ay si ula kac ah gacmaha ula galeen sanduuqa wasaaradda ee argagixiso la dirirka, oo ay bishii soo geli jirtay tobanaan million ee riyalka Sacuudiga ah.

          Dabcan taasi, waa qayb yar oo ka mid ah lacagta bishii ku baxda Boqor Salmaan. Jamal Khashoggi ayaa sheegay in Boqorka uu bishii isticmaalo ama miisaaniyaddiisu tahay dhan 3 billion ee riyalka Sucuudiga oo u dhiganta $800 million.

        Jabri waxaa uu ahaa welina yahay, qof wax badan og. Dad kale oo sir badan haya ayaa gacanta u galay Boqortooyadda. Laakiin Jabri ayaa hadda dacwad la galay Dowladda.

CIA ayaa qeyb ka ah cayaarta

        Jabri waxaba kama qasaarayaan. Sida uu dacwadiisa ku sheegay, waxay isku dayeen in ay ku khasbaan in uu dalkiisa dib ugu laabto, balse wa uu diiday. Waxay isku dayeen in ay dacwado kusoo oogaan. Waxay basaas u direen in ay soo ogaadaan meesha uu Maraykanka ka joogo. Waxay u direen koox disha, balse waa ay guul dareysteen.

           Kadibna waxay ku jeesteen qoyskiisa. Waxay caruurtiisa u diideen in ay safraan, kadibna waa ay la wareegeen. Weli isma uusan dhiibin. Waxay sheeko ku daabaceen Wall Street Journal, taasi oo sheegeysa in Jabri ay ku maqanyihiin malaayiin dollar oo uu lahaa sanduuqa argagixiso la dirika, waana laga rabaa.

         Shakigii New York Times ay ka qabtay waxa Turkigu ka sheegayay Kashoggi waxaa uu dhamaaday markii Gina Haspel, agaasimaha CIA-da ay gaartay magaaladda Ankara, si ay usoo dhageysato cod la duubay markii uu dilku ka dhacayay Qunsuliyadda dhex-deeda.

Markii CIA-du ay sheegtay in ay aaminsantahay in Maxamed bin Salmaan uu agaasimay dilka, Washington wax talaabo ah ma aysan qaadin. Hadda waxaa soo baxay mid ka mid ah dadkii uu ku tiirsanaa go’aanka CIA-da in uu ahaa Saad Jabri.

Laba wajiyeynta Sacuudiga

           Waxaan ognahay in Maxamed bin Salamaan lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhiiri geliyay in uu faro-geliyo Suuriya, ka sokoow taageeradda muuqata ee Sucuudigu siiyo falaagadda. Tani waxay sidoo kale sharaxaysaa sababta Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Maxamed bin Zayed uu Bishaar Al-Assad ugu dhiiri-geliyay in uu jabiyo xabad-joojintii Idlib, si ay uga sii darto xaaladda Turkida.

           Dibin-daabyadda ka jirta Siiriya iyo Liibiya waxaa ay ku wajahantahay Turkiga oo ay gobolka isku hayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka. Uma naxayaan Siiriya iyo Liibiya.

Isku dhaca awoodeed waxaa uu billowday markii maamulihii Jabri, Mohamed Bin Nayef shaqada laga eryay, isla markaana lagu tilmaamay in uu daroogo qabatimay seddax sano ka hor, weli ma aysan dhamaan.

             Maxamed bin Salmaan oo la wareegay jagadii bin Nayef weli guul ma uusan gaarin, haddii uu gaarayna uma marin hanaan sharci ah. Taasi waa sababta uu u daneynayo in uu meesha ka saaro qof walba oo u dhowaa bin Nayef, waxaa uu ka bilaabay Khashoggi, hadana waxaa uu ku raad joogaa Jabri.

            Sida ay dacwaddu sheegeeyso, ka hor intii uusan tallaabo ka qaadin bin Nayef waxaa uu la tashaday la-taliyaha madaxtooyadda Maraykanka Jared Kushner.

         Jabri ayaa jagadii wasiirnimo laga eryay kadib markii MBS uu talada la wareegay isla markaana uu ogaaday in Jabri uu laba jeer la kulmay agaasimihii hore ee CIA-da isla markaana uu kala hadlay in Bin Salman uu wacay Putin ayna ka sheekeysteen arrimaha Siiriya.

            Jabri ayaa wadanka ka tagay markii maamulihiisii hore uu Washington ka bilaabay olole, waxaana CIA-du Jabri u sheegtay in uu bartilmaameed yahay.

Caymiska nolosha

Saad al-Jabri: Waa kuma ninkan xukunka ka tuuri kara Maxamed Bin Salmaan?


          Haspel iyo CIA-da midna kama soo muqan dagaalka u dhexeeya Jabri iyo Dhaxal-sugaha. Jabri ayaa dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo CIA-du ay aad isugu dhowyihiin.

          "Dad yar ayaa Dr Saad Al Jabri uga xiriir dhow sirdoonka Maraykanka iyo hey’adihiisa amniga,” ayaa lagu yiri Dacwadda. "Inkastoo tobanaan sano wada shaqayn dhow uu la lahaa saraakiil sare ee argagixiso la dirirka, Dr Saad waxaa uu noqday saaxiib la’aanimay kaasi oo akhbaartiisa iyo taladiisa la raadiyo ka hor inta aan la qaadan go’aanadda nolol iyo geeri ee amniga qaranka Maraykanka.”

            Markasta, Jabri waxaa uu heystaa taageero cad. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Middle East Eye "Saad Al-Jabri waa saaxiib qiimo ugu fadhiya argagixiso la dirirka Maraykanka. Shaqada Saad waxay Maraykanka ka caawisay badbaadinta nolosha dad u dhashay Maraykanka iyo Sacuudiga. Saraakiil badan oo hadda shaqeeya iyo kuwo hore ayaa yaqaana oo xushmeeya.”

Dagaal ku tal-gal ah oo isku xigxiga

          Ugu dambeynta, tan micnaheedu waxaa uu yahay, in waxay ku xiran tahay halka uu ku dambeeyo Trump marka la gaaro doorashada Mareykanka ee November.

         Rajada keliya ee boqorka mustaqbalka, Maxamed Bin Salman uu musiibo uga fogaan karo waa in uu Trump guuleysto. Haddii Trump looga adkaado doorasho wax walba ee Txrump uga xirnaa halkaas ayey ku baaba’ayaan. Maxamed bin Salmaan nasiib ayuu leeyahay, haddii uu markaan badbaado, waxaa uu u baahanyahay taageeradda militariga Maraykanka. Tani mahan wax uu uga gudbi karo wax ay habeen kala bedesheen Putin ama taageradda shiinaha.

         Dagaalkii uu Maxamed bin Salmaan bilaabay markii uu eryay bin Nayef sedax sano ka hor weli ma uusan dhammaan.

Muxuu Maxamed Bin Salman sameyn doonaa haddii Jabri lagu casuumo in uu ka marqaati-kaco congress-ka hortiisa, xitaa kulan ay albaadu u xiranyihiin islamarkaana uu bilaabo in uu shaaca ka qaado dambiyadda Dhaxal-sugaha.


XIGASHOWARKII.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip