Mareykanka oo gacanta ku dhigay Sarkaal muhiim u ahaa Daacish

0
Thursday March 10, 2016 - 18:13:35 in Wararka by
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo gacanta ku dhigay Sarkaal muhiim u ahaa Daacish

    Ciidamada Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa Hubka Kiimikada, kadib howlgal ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen dalka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa Hubka Kiimikada, kadib howlgal ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen dalka Ciraaq.

Howlgalka lagu qabtay ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Suleyman Daa’uud Al-Faari ayaa dhacay Bishii la soo dhaafay.

Mareykanka waxa uu xaqiijiyay in Al-Faari lagu haayo Waqooyiga dalka Ciraaq, uuna gacanta ugu jiro ciidamada Mareykanka.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay socoto su’aalo weydiinta Al-Faari ee ku aadan dadaalada kooxda khilaafada islaamka ay ugu jirto soo saaridda iyo adeegsiga hubka ka sameysan kiimikada.

Waxaa jiray warar sheegayay in kooxdani ay sameysatay sunta Mustard islamarkaana ay ku rakibeyso madaafiic lagu ridayo furimaha hore ee dagaalka gobolka.

Kooxda Daacish weli kama aysan hadlin tallaada Mareykanka uu ku qabtay Sarkaalkaan muhiimka u ahaa Daacish.

Muddooyinkii dambe Millateriga Mareykanka waxa ay sii laba jibaareen Howlgalada ka dhanka Saraakiisha sar sare ee Daacish.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip