Bayern Munich oo xalay iska Xaadirisay Finalka Champions League kadib markii ay ka badiyeen Kooxda Lyon.

1
Thursday August 20, 2020 - 16:42:35 in Wararka by
  • Visits: 1874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayern Munich oo xalay iska Xaadirisay Finalka Champions League kadib markii ay ka badiyeen Kooxda Lyon.

    Bayern Munich ayaa iska xaadirisay finalka Champions League ka dib markii ay 3-0 ku dardareen kooxda Faransiiska ee Lyon semi-finalkii Champions League iyadoo labo gool uu u saxiixay xiddigii hore ee Arsenal Serge Gnabry halka goolka seddexaad uu dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich ayaa iska xaadirisay finalka Champions League ka dib markii ay 3-0 ku dardareen kooxda Faransiiska ee Lyon semi-finalkii Champions League iyadoo labo gool uu u saxiixay xiddigii hore ee Arsenal Serge Gnabry halka goolka seddexaad uu dhaliyay Robert Lewandowski oo gooldhalinya tartanka hogaaminaya. Kooxda Faransiiska ayaa si carcar leh ku bilaabatay kulankaan iyadoo Memphis Depay uu labo jeer oo isku xigto sigay goolka ka hor inta uusan Ekambi birta u garaacin Bayern Munich daqiiqadii 17aad. Laakiin fursadihii ay iska khasaariyeen Lyon waxaa durbadiiba ku ciqaabtay Bayern Munich oo hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 18aad. Kimmich ayaa baas fiican u soo qaaday Serge Gnabry kaasoo boos ka helay Cornet gadaashiisa, wuxuu kubada ka leexsaday Guimaraes ka hor inta uusan shabaqa meel kore ka tooganin. Goolka wixii ka danbeeyay waxaa soo baxay dulduleelada Lyon iyadoo Muller uu ku dhawaaday inuu gool labaad u saxiixo Bayern Munich halka goolhaye Lopes uu kubad halis aheyd ka bixiyay Gnabry daqiiqadii 25aad. Bayern Munich ayaa ugu danbeyn heshay goolkeedii labaad, wuxuuna ku yimid khalad difaacasho oo ay Lyon, waxay awoodi waayeen inay iska bixiyaan kubad hortaalay goolkooda, Lewandowski ayaa isku dayay inuu shabaqa ku taabto, waxaa ka soo bixiyay goolhaye Lopes laakiin kubada waxay lugta u gashay Gnabry oo shabaqa ku hubsaday. Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay Bayern Munich hogaanka ku heysay inkastoo ay iska caabin weyn kala kulmeen kooxda Faransiiska. Bilowgii qeybta labaad Bayern Munich ayaa heshay fursad ay gool seddexaad ku dhalin kartay laakiin waxaa ka beeniyay goolhaye Lopes oo bixiyay darbadii Perisic.      

            Lyon isma dhiibin iyagana dhankooda waxay bilaabeen qeybtii labaad inay fursado kale abuuraan, daqiiqadii 56aad Marcelo ayaa kubad cirka ah ku garaacay Goretzka laakiin waxaa kubada baadiyay goolhaye Neuer.

Fursadii ugu weyneyd ayay heshay Lyon daqiiqadii 58aad markii Dembele uu u dhigay Aouar, kaasoo isna karooskiisa fiican kubada u dhigay Ekambi oo u muuqday inuu shabaqa soo taabtay laakiin waxaa darbadiisa lugaha u dhigay oo bixiyay goolhayaha Jarmalka Neuer.

            Daqiiqadii 88-aad waxaa ciyaarta hurdo u diray Robert Lewandowski kaasoo dhaliyay goolkii seddexaad ee ciyaarta, waana goolkiisii 15aad ee xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyo Champions League isagoo kulan walba shabaqa soo taabtay.

             Wuxuu labo gool u jiraa rikoodhkii Cristiano Ronaldo ee goolasha ugu badan ee hal xilli ciyaareed dhaliyo iyadoo Ronaldo uu ku hayo 17 gool uu dhaliyay xilli ciyaareedkii 2013-14.

        Dhanka kale Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Bayern Munich ku xaaqday Lyon iyagoo Axada finalka Champions League ku balansaday kooxda Paris Saint-Germain.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip