Carabta oo Rubac Qarni kadib ku dayanaya Soomaaliya !!!

0
Wednesday August 19, 2020 - 21:31:15 in Wararka by
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carabta oo Rubac Qarni kadib ku dayanaya Soomaaliya !!!

    Waa Suuro gal in aadan run u malayn, balse waa wax horay ugu dhacay Soomaaliya, haatana ka dhacaya dalalka Carabta. Qaar ka mid ah dalalka Carabta waxay 2011 ka bilowday Kacdoon Shacbi ama Mid dagaal ah oo ay isaga isaga tuurayeen Xukuumad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Suuro gal in aadan run u malayn, balse waa wax horay ugu dhacay Soomaaliya, haatana ka dhacaya dalalka Carabta. Qaar ka mid ah dalalka Carabta waxay 2011 ka bilowday Kacdoon Shacbi ama Mid dagaal ah oo ay isaga isaga tuurayeen Xukuumadaha ku shaqeeyay kali-talisnimo, Caburin iyo Cadaadiska dadka Rayidka ah. Carabta waxaa arintaan kaga horeeyay Soomaaliya oo Kacdoon nuucaas ah ka dhacay 1991 ka dib markii Dadka Soomaaliyeed u dulqaadan waayeen Dowladdii Kacaanka ee ka soo horjeeday Dimuqraadiyadda iyo xoriyadda hadalka. Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta ee Kacdoonka ka dhacay ayaa la fashiliyay ujeedka kacdoonadooda ka dib markii dib loo abaabulay kacdoono lid ku ah Kuwii hore, waxaana dib loogu soo dhisay isla Nidaam Raacsan ama Shaqsiyaad ka tirsanaa Dowladihii ay rideen sida ka dhacday Masar iyo Algeria, taasoo noqotay jug-jug meeshaada joog. Dowladaha Carabta dhaqankaas waxaa kaga horeeyay Soomaaliya oo dib loogu soo dhisay Dowlad 2000 oo ay hogaaminayeen Shaqsiyaad ka tirsanaa Dowladii Kacaanka, waliba mid ka mid ah ragii ugu Muhiimsanaa maamulkii Kacaanka ayaa Madax loogu soo dhigay, ka dib markii dagaalo sokeeye ay ka socdeen Soomaaliya mudo 10 sano, islamarkaasina la fashiliyay Ujeedooyinkii Jabhadaha Kacdoonka ee dalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa kacdoonkooda isku bedelay dagaalo sokeeye iyo burbur xoogan oo soo gaaray Jiritaanka dowladnimadooda sida Libya iyo Yemen, waxaa arintaas iyana kaga horeeyay Dalka Soomaaliya oo horay u galay dagaalo sokeeye iyo burbur xoogan oo qaranimada xididada loogu siibay. Hadaba, waxaa la dhihi karaa dalalka Carabta ayaa Rubac Qarni ka dib ku dayanaya dalka Soomaaliya !!!          

      

WQ: Hussein Sahnuni



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip