Guddoomiyaha Gobolka oo Baarlamaanka ka dalbaday inuu Cadeeyo Maqaamka Muqdisho{DHAGEYSO}

0
Wednesday March 09, 2016 - 19:29:03 in Wararka by
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka oo Baarlamaanka ka dalbaday inuu Cadeeyo Maqaamka Muqdisho{DHAGEYSO}

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inuu cadeeyo kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso Nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inuu cadeeyo kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso Nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in Golaha Shacabka ay Cadeeyaan Maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana uu Baarlamaanka ugu baaqay in ay Deg Deg u soo saaraan Sharuuc Cadeyneysa Maqaamka ay Federaalka ku leedahay Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18 Gobol ee Soomaaliya,loona baahan yahay in ay Xaquuq helaan dadka ku nool Muqdisho oo Dhowr Malyan gaaraya.

Horay waxaa u jirtay in Dadka ku Muqdisho ay dhigeen Banaanbax ay ku dalbanayaan in la siiyo Xaquuqdii ay Muqdisho laheyd,kuwaas oo sheegay in aysan Macquul aheyn in Xaquuq la’aan ay noqdaan 3 Milyan oo Muqdisho ku Nool.

Halkaan ka dhageyso Codka Guddoomiyaha

xigasho:-radiokulmiye.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip