Shir looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa hay'adaha talinta sharciga iyo Wasaaradda Garsoorka

0
Wednesday March 09, 2016 - 19:21:31 in Wararka by
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa hay'adaha talinta sharciga iyo Wasaaradda Garsoorka

    Shirkan looga hadlayay isku xirka hay'adaha ka shaqeeya talinta sharciga oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka ee Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta hay'adaha ka shaqeey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan looga hadlayay isku xirka hay'adaha ka shaqeeya talinta sharciga oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka ee Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta hay'adaha ka shaqeeya Cadaalladda iyo arrimaha garsooka si loo horumariyo cadaallada dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaalladda iyo garsoorka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga.

"Shirkan waxaa uu ku saabsanyahay iska war qabka iyo isxog wareysiga ka dhaxeeya hay’daha ka shaqeeya cadaalladda oo isugu jira Wasaaradda cadaalladda, xabsiyada iyo dhamaan sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa ku jira iyo hay’ado kale oo fara badan oo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn dhow oo la rabo mustaqbalka dhow in ay sii joogteeyaan wada shaqeyntooda marka muhiimadda waxa ay tahay in laga wadashaqeeyo horumarinta cadaalladda’’ ayuu yiri Xoghayaha joogta ah ee Wasaaradda.

Sidoo kale Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Cadaalladda iyo garsoorka oo ka hadlayay muhiimada shirkan loo qabtay ayaa yiri "Wada shaqeyn caafimaad qabta iyo iska war qab, wadankan waxaa ka jira qaab Federaal ah, waxaana loo baahnyahay in si Federaalka uu u horumaro hay’adaha cadaalladda la horumariyo, ayna wada shaqeeyaan, wuxuuna shirkan abuuri doonaa in hay’ad walba ay ogaato shaqadeeda iyo meesha ay ku egtahay, marka in wada shaqeyn dhab ah la yeesho ayaa ka mid ah waxyaabaha aan ka fileyno”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip