Ciidamo Ajaanib ah oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay Degmada Awdheegle ee Sh.hoose

0
Wednesday March 09, 2016 - 12:42:54 in Wararka by
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ajaanib ah oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay Degmada Awdheegle ee Sh.hoose

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose, labo Diyaaradood oo nooca Helicopter-ka ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay xalay ka fuliyeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose, labo Diyaaradood oo nooca Helicopter-ka ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay xalay ka fuliyeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Mid ka mid ah Diyaaradaha ayaa ku degtay Beer ku taallo Degmada Awdheegle, kadibna waxaa ka daatay ciidamada oo gudaha u galay Magaalada, iyadoo iska hor imaad uu dhexmaray ciidanka Shabaabka iyo ciidamada Ajaanibta ah ee la socday Diyaaradaasi.

Dagaalka dhexmaray ciidamada Ajaanibta iyo Ragga Shabaabka ka tirsan, ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Afar ka tirsan Ururka Al Shabaab, halka ay ku dhaawacmeen labo Askari oo Shabaab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Ciidamada fulinaayay howlgalkaasi ayaa waxa ay Magaalada gudaheeda ka soo wateen nin ka tirsan Shabaab oo la sheegay inuu yahay sarkaal, kaasi oo aanan la ogeyn inuu ahaa Bartilmaameedka isaga iyo in kale.

Maxamed Aweys Abuukar Guddoomiyaha Degmada Awdheegle, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in 7 goobood oo Shabaabka kaga sugnaayeen Awdheegle laga fuliyay howlgalkaasi qorsheysan.

Dhowr iyo toban qof oo ka tirsan AL-shabaab ayuu sheegay in lagu dilay weerarkaasi,waxaana uu intaa ku daray in qaarkood ay ku dhinteen gudaha Magaalada halka kuwo kalena lagu dilay Beeraha ku dhow Awdheegle.

War ka soo baxay Shabaabka ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarkaasi ciidamada Ajaanibta ah ay soo qaadeen, waxaana Shabaabka ay sheegeen in Khasaare la gaarsiiyay ciidamada Ajaanibta.

Afhayeenka dhanka howlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay ciidamada Shabaabka ee ku sugnaa Magaalada inay si adag ula dagaalameen Ciidankii ka soo degay Diyaarada.

Wuxuu sheegay ciidamada inay rideen Buleer, markii ay soo degteen kadibna ciidamada Shabaabka ay xabad ku bilaabeen sida uu ku faanay.

Ilaa hada ma cadda ciidamadaasi Ajaanibta ah ee howlgalka ka fuliyay Awdheegle dalka ay ka soo jeedaan, inkastoo ay sii kordhayaan howlgalada qorsheysan ee Shabaabka lagula beegsanayo Gobolada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip