HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-AUG-2020

1
Tuesday August 18, 2020 - 10:21:55 in Wararka by
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-AUG-2020

    Madaxweyne Farmaajo Oo Warbixin Ka Dha geystay Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Ka Baa raan-Degga Doorashooyinka Dalka Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md.Max amed C/hi Farmaajo oo ay weheliyeen Madax weyneyaasha D/Goboleedyada Galmudug, K/ Galbeed,Hirsha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Warbixin Ka Dha geystay Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Ka Baa raan-Degga Doorashooyinka Dalka Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md.Max amed C/hi Farmaajo oo ay weheliyeen Madax weyneyaasha D/Goboleedyada Galmudug, K/ Galbeed,Hirshabeelle & Guddoomiyaha G/Ba naadir ayaa warbi xin ka dhageystay Guddi ga Ka-baaraan degga Doorashooyin ka dalka. Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Dastu urka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ay aa ka warbixiyey qorshaha shaqo ee Guddiga, latashiyadii ay la yeesheen Madaxda D/ Gobol eedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Door ashooyinka Qaranka, Xisbiyada siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha iyo Madaxda Heer Dowlad-Goboleed nuxurka daraasadda ay sameeyeen ee ku aaddan door ashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomi dda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan sharciga doorashooyinka ee la meelmariyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan ee Heer Federaal, Heer D/Goboleed & G/Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diy aariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ay qabteen Guddiga Doorash ooyinka Qaranka iyo heshiisyada siyaasadeed ee horey loo gaaray kuwaas oo ku saabsanaa doorashooyinka dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ho osta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku qabsoonta wakhtigeeda, kana turjunto hiigsiga iyo himilada shacabka Soom aaliyeed. Dhankooda, Madaxweyneyaasha Do wlad Goboleedyada, Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Md.Maxamed Ca bdi Waare, K/Galbeed Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha G/Banaadir Md. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrig eliyey Xubnaha Guddiga Ka-baaraan degga doorashooyinka dalka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-u-rurinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho loo dhanyahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.—DHAMMAAD--

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha oo amar siiyay Hay’addaha Amniga

     Sii hayaha R/Wasaaraha dalka, Mahdi Max amed Guuleed, ayaa Shalay kulan la qaatay la amaha amniga dalka. Kulanka oo looga hadlay adkeynta amn iga dalka, ayaa Mahdi Guuleed waxuu laama ha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Al-shabaab ee Dorraad Muqdisho ka dhacay.

     Mahdi Maxamed Guuleed ay aa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhamm eystiran ku sameeyaan dhacdadii Dorraad, wa xuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

    Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasilooni waarta ayaa laamaha amniga iyo gu ud ahaan ciidanka qaranka ku sameysay dib-u-habeyn ballaaran si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta mawaadiniinta iyo hantidooda.

Madaxweynaha Galmudug oo codsi u diray Madaxda Puntland iyo Jubbaland

     Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Xalay shir jaraa;id ku qabtay Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu furmay wajiga 1aad ee Shirka Dhuusamareeb 3.

     Axmed Qoorqoor ayaa ka warbixiyay shir ka, isagoo xusay in Shalay ay la kulmeen Gud diga Farsamada, ayna ka dhageysteen warbi xin Hadal u eg quus ayuu jeedi yay Madaxw eyne Qoorqoor, ka asoo ku aadan rajo xumada laga qabo inuu shirka fashilmi rabo, waxaana uu ka codsaday Mada xda shirka ka maqan inay ku soo biiraan.

     Madaxweyne Qoorqoor ayaa si gaar ah uga codsaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Ju bbaland inay ka soo qeyb galaan shirka oo ay qadariyaan reer Galmudug.

     "Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaa da, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa raj eynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan go gosha reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

    Shirka jaraa’id ee Madaxweyne Qoorqoor ayaa yimid, iyadoo ay jireen hadal heyno kala duwan oo ku aadan inuu taageeray qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo inuu socdo qorshe Madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay keligo od go’aamo gaar ah ku gaarayaan, iyagoo ma qan Puntland iyo Jubbaland.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Muqdisho

     Shil gaari oo Shalay ka dhacay M/Muqdisho gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

     Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca xamuulka qaado oo siday bagaash kala duwan uu mar qura ku fariis goostay goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Suuqa Bakaaraha.

     Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaac adda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Darawalka waday gaariga xamuulka ahaa uu gaariga xakameyn waayay, uuna lugta la waay ay bareega, sidaasina uu ku galay goobo Ganacsi. Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyooday Shilka, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo si Deg deg ah loogula cararay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada.

       Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad da iyo Maamulka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta, iyagoo wada dadaalo lagu bixinayo gaarigii galay goo baha Ganacsi, waxaana sidoo kalena halkaas buux-dhaafiyay boqolaal qof.

     Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca shilal geysta Khasaarooyin kala duwan, waxaan shil noocaan oo kale ah oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ku geeriyooday dad badan, halka kuwo kalena xiligaas ay ku dhaaw acmeen.

Madaxweyneyaashii hore oo War kasoo saaray Weerarkii Muqdisho

     Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u Cambaareeyay wee rarkii qaraxa ku bilowday ee Dorraad lagu qaaday Hotelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

     Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa tac si u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite, iyagoo kuwa ku dhaawacmay Alle uga baryay inuu Caafima ad Deg-deg ah siiyo.

     "Waxaan aaminsanahay in Alshabaab laga xoreyn karay dalka, laakiin nasiib darro dowl addeenna waqt igu kasii dhamaanayo wax xil ah iskama saa rin, iyadoo waqtiga ugu badan geliyey abuuri sta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo sidoo kale raadinta muddo kororsi aan sharci ahayn” ayuu yiri Sheekh Shariif.

    "Dad qiima badan ayaan ku weynaa marka sta weerrada Al-shabaab ee shabaabku ay ka geystaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdi sho waxaan lee yahay dadka Soomaaliyeed ha u midoobaan sidii ay naftooda iyo tan dadk ooda uga bad baadin lahaayeen cadowgaas umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Sheekh.

     Ugu yaraan 16 qof ayaa ku geeriyootay weerarkii gelinkii dambe ee Dorraad lagu qaa day Hotelka Elite ee xeebta Liido, waxaana ku dhaawacmay 13 qof, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, iyadoona weerarka laga soo badbaadiyay dad ku dhow 300 oo qof.

Qarax Khasaare gaystay oo ka dhacay Degmada Beled Xaawo

    Qarax ayaa ka dhacay degmada Beled Xaa wo ee gobolka Gedo, gaar ahaan maqaayad ku taallo ka soo horjeedka Suuqa Xoolaha ee degma daas.

    Warar hor u dhac ah ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ay ku geeriy oodeen ku dhawaad 10 ruux oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

    Maqaayada Qaraxa la galiyay ayaa waxaa fadhiyay dad badan oo shacab & Askar isugu jira kuwaasi oo waxyeelada dhimashada & dhaawaca uu soo gaaray sida wararka sheega yaan. Dhaawacyada qaarkood ayaa la geeyay Isbitaalka Degmada Beled Xaawo oo lagu da weynayaa, waxaana goobta qaraxa uu ka dha cay tagay Ciidamada dowladda oo baaritaan ka wada halkaasi.

     Shabaab ayaa kordhiyay bartilmaameedko oda dagaalka & qaraxyada ay la beegsanaya an goobaha dadka shacabka & Ciidanka isugu yimaadaan ee Gobolada dalka Somaliya.


G/G/Shacabka oo cambia reeyay qaraxii lala beegsaday Wasiir Goodax iyo qarixii Liido.

      Guddoomiyaha G/Shacabka ee Baarlama anka Soomaaliya Md.Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida muwaaddiniin tii Soomaaliyeed  ee ay kooxaha Argagixisada ku laayeen Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee M/Muqdisho ayuu yiri md. mursan.

     ‘’Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, wa xaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsana yaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii dadkii weerarkaa si argagixisinimo ku waxyeelloobay,dadkii arg agixisadu ay gumaadeen ee weerarkaas ku shahiiday Ilaahay naxriistii janno haka waraabi yo, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo deg-deg ah’’ ayuu yiri G/G/Sh ee BJFS.

    Guddoomiye Mursal ayaa Ciidamada ama anka ku amaanay sida naf hurnimada leh ee ay usoo badbaadiyeen dadkii dhismaha Hotel ka ku go’doomay ,sidoo kalena ay usoo afjare en dhagar qabayashii weerarka ka dambeyay.

     Dhinaca kale, Md.Mursal ayaa cambaareey ay qarax Miinado lala eegtay kolonyo uu la so cday sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, xilli uu marayay inta u dhaxeysa Beled-Xaawo iyo Doolow , qaraxaas oo uu wasiirku ka bad baaday balse ay dhaawacyo ka soo gaareen mudanayaal ka tirsan Xildhibaannadda Golaha Shacabka,wuxuuna Guddoomiye Mursal  uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay Xildhibaan nada qaraxaas ku dhaawacmay.

     Ugu dambeyn waxaa uu shacabka Sooma aliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka si looga guuleysto islamarkaana loo cirib tiro Alshab aab ee doonaya inay mar walba daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.ayuu yiri md. mursal

Dowladda oo War kasoo saartay weerar kii Al-shabaab ee Goof-gaduud

     Dowladda F/S ayaa ka hadashay weerar ku bilowday Qarax Ismiidaamin ah oo Shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowl adda iyo kuwa K/Galbeed ku leeyihiin deeg aanka Goof-gaduud Gobal ka Baay.

    Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Oran ge oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidanka dowladda ay ka horte geen Weerar Isugu jiray Isqarxin iyo mid toos ah oo Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciida mada.

     Afhayeenka ayaa sheegay in qof soo xirta Jaakad walxaha qarxa ah uu isku dayay inuu gudaha u galo Saldhiga Goof-gaduud, hayee shee uu ku qarxay banaanka Saldhiga, isagoo tilmaamay in intaas kadib uu bilowday dagaal too ah oo labada dhinac dhexmaray.

     Ciidamada dowladda ayuu Ismaaciil Oran ge sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana daga alkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray. "Tobaneeyo ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay halka qaar kalana nolosha lagu qabtay.

      Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weerarka Alshabaab ka hadlay waxa ay xaqiiji yeen dhimashada laba Askari oo katirsan Xoo gga dalka iyo dhaawaca 4 kale” ayuu yiri Isma aciil Orange. Ugu dambeyn Afhayeenka Xukuu madda ayaa sheegay in xaaladda hadda ay da ggantahay Saldhigga Goofgaduudna ay iminka gacanta ku hayaan Ciidamadii DFSee halkaasi daganaa.

Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dilka Wasiirka

    Gudoomiyaha Baarlamaanka D/G/Hirsha belle Sh.Cismaan Barre dilka M/Jowhar loogu geystay Wasiirkii Beeraha Hir-Shabeelle Marx uum Cabdiqaadir Faarax Axmed (Karaani)., isaga oo baaq u diray Xildhibaannada.

    Guddoomiyaha oo ku Hadlayay  magaciisa, kan Guddoonka, Magaca Xildhibaannada Baa rlamaanka D/Goboleed ka & Shacabka waxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Cabdiqa adir Faarax Axmed (Karaani) oo kamid ahaa   Xildhibaannada Baarlamanka D/G/Hirshabelle, isla markaana dhawaan loo mag acaabay Wasiirka W/Beeraha oo kooxa ha argagaxisada ay ku dileen Xaafadda Kul mis ee D.Jowhar.

 Guddoomiye Sh. Cismaan ayaa yiri "Waxaan tacsida tiiraanyada leh laqeybsanayaa Qoyska ehelka, Asxaabta iyo dhammaan D/G/Hirshabe lle geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marx uum Xildhibaan C/dir Faarax Axmed "Karaani” waxuuna Alle uga baryey inuu Janatul Fardow sa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo”

  Ugu dambeyn G/B/Hirshabeelle ayaa Xildh ibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay ay Al-Shabaab ka gey san karaan deeganada D/G/Hirshabelle, loona baahanyah ay inay muujiyaan feejign aan dheeri ah.

Guddiga Doorashooyinka oo Shalay diiwaan-geliyay xisbiyo badan

  Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Shalay shahaadooyinka KMG gudoonsiiyay 10 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii Guddiga Doorashooyinka uu horey u diwaan galiyay.

       Xisbiyadaan cusub ee la diiwaan geliyay ayaa kala ah: Xisbiga Wadaniga ee Israac, Xis biga Isbedelka Dimoqraadiga ah, Xisbiga Hay aan, Xisbiga Dhulka Hooyo, Xisbiga Dhal inya rada Soomaaliyeed, Xisbi ga Siyaasadeedka Hogaan she,Xisbiga Astaan Qaran, Xis biga Nabadda iyo Xallinta Khil aafaadka Soomaaliy eed, Xisbiga Dib-u-heshi inta iyo Horumarinta iyo Xisbiga Runta iyo Cad daaladda.

     Diiwaan-geliyaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada ee GMDQ Maxamed Cumar Axmed Haydara oo munaasabada ka hadlay ayaa ku ammaanay masuuliyiinta xisbiyada dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya uga dhaci lah ayd doorasho xalaal ah, waxuuna kula dar da armay in ay u diyaar garoobaan qaadashada shahaadada diiwaangelinta rasmiga oo ah tan dooashada lagu geli doono.  Dhinaca kale gud oomiyeyaasha xisbiyada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen di yaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta ee Shalay u qabsoontay.

      Kumushineer Xuseen Cabdi Aadan oo mu naasabada so xiray ayaa masuuliyiinta Xisbiya da kula dardaarmay inay ilaaliyaan shuruucda xisbiyada u yaala si loo gaaro hadafka ah in dalka doorasho dimoqraadi ah ka dhacdo.

Sh.Shariif” Madaxda Dowladda daacad kama ahan heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed "

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isaga oo Eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Sh.Shariif waxaa uu sheeg ay in madaxda Dowladda qor shaha ugu jirin inay qa btaan doorasho sidoo kalena ays an daacad ka ah eyn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxey sa iyaga iyo dowlad goboledyada.

    "Waxaan aaminsanahay in madaxda dowlad du aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysan ba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

     Sidoo kale Sh.Shariif waxaa uu sheegay in dalkaan laga keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna oggolaan karin in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba, isaga oo ka digay dhibaato uu sheegay inay nu muuqa to oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaan ayo ay ismoodsiinayaan.

     Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee So omaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiy ada Qaran ayaa uga digay guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xala aleeyaan madaxtooyada waa sida uu hadalka u dhigaye. Hadalka Sh.Shariif  ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli weli aan xal rasmi ah laga gaarin arrimaha la xiriira doorashada Soomaa liya,isla markaana shirkii Go’aan looga gaari la haa ay hortaagan tahay caqabado uu ku furmi la’aya hay.

Turkiga oo cambaareeyay qaraxii & weerar kii ka dhacay Muqdisho

     War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha di bedda ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay we erarkii qaraxa ku bilaawday oo ay Al-Shabaab ka gaysteen M/ Muqdisho.

      Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay si xooggan u dhaleeceynayaan weerarka lagu qa aday Hotel Ellit gelinkii dambe ee Dorraad, kaas oo ay ku dhinteen u gu yaraan 16 qof 18 kalena ay ku dhaawacmeen. Anakara ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay DF S & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxanay naxariista Alle u rajeysay Dadkii ku geeriyooday qaraxa, kuwa ku dhaawacmayna inuu siiyo caafimaad deg-deg ah ayaa lagu yiri" war kasoo baxay TURKIGA. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkaas, iyag a oo sheegay inay ku dileen weerarkaas mas 'uuliyiin iyo Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladdda Soomaaliya.


Dowladda Somalia oo balan qaad u sa meeysay dowlad Goboleedyada

     Wasiir ku-xigeenka W/Gargaarka iyo Maar eynta Musiibooyinka XFS Md. Cabdirashiid Ma xamuud Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ay aa Shalay gaaray M/Garoowe ee xarunta D/G/Puntland, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliy iin ka tirsan maamulka Puntland.

    Wasiir ku-xigeenka oo la hadlay Wakaalad da Wararka SONNA ayaa sheegay in ujeedka safarkoodi Garowe uu yahay sidii halkaasi ay u gaarsiin lahaayeen qalab loogu talagalay xa runta ka digista halis wadareedka ee Puntland.

     "Waxaan M/Garowe geyneynaa qalab xafiis eed loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland, sidoo kale waxaan geeyneynaa dhamaan dowlad goboleedyada oo ay ugu talagashey DFS”. ayuu yiri Wasirka.

    Marka laga soo tago M/Garowe oo Shalay la geeyay qalabkaasi,sdoo kale waxaa lafilayaa in wasaaradda gar gaarka iyo maareynta musi ibooyinka DFS ay deegaanada kale ee D/G/y ada ay gaarsiiso qalabka noocaan ah,si loogu isticmaalo adeegyada ka digista halis wadare edyada.

    Qalabkan ayaa ahmiyad gaar ah leh adeegs igiisa,wuxuuna sahlaya in si fudud loo ogaado hadba


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip