Wax dambe oo laga baran karo ma jirto weerarada Muqdisho (Warbixin)

0
Monday August 17, 2020 - 13:04:23 in Wararka by
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax dambe oo laga baran karo ma jirto weerarada Muqdisho (Warbixin)

    Magaalada Muqdisho ayaa hoy u noqotay weerarada joogtada ka noqday, ee sida aan kala sooca lahayn loogu gumaado bulshada ballaaran ee ku dhaqan magaaladaasi. Weerarkii ugu dambeeyay ee gelinkii dambe ee Axadii ka dhacay ayaa waxaa ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa hoy u noqotay weerarada joogtada ka noqday, ee sida aan kala sooca lahayn loogu gumaado bulshada ballaaran ee ku dhaqan magaaladaasi. Weerarkii ugu dambeeyay ee gelinkii dambe ee Axadii ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay illaa labaatan qof, halka soddon kalana ay ku dhaawacantay, iyadoona kordhisay walaacii dadku ka qabeen ammaanka. Weerarkii kan ka horeeyay ayaa ahaa midkii 10-kii bishan ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayna ku dhinteen sagaal iyo toban qof, oo shan iyo toban ka mida ay ahayd maxaabiistii ka dhex dagaalantay xabsigaasi, waxaana ka sii horeeyay weerarkii maalmihii hore ee bishan ka dhacay Xerada Taliska 12-ka April ee Degmada Warta Nabadda, kuna dhinteen in ka badan toban qof, oo Ciidanka Xoogga Dalka u badnaa. Weeraradan ayaa daba socdo kuwii billihii ugu dambeeyay ka dhacaayay Magaalada Muqdisho, ayna ku dhinteen dad ku dhow soddon qof, oo rayid iyo askarba leh, waxaana muuqata in amnigii magaalada uu saameeyay xiisadda siyaasadeed, ee tan iyo bishii June ku soo korortay dalka. Bulshada ayaa Dowladda Federaalka ku eedeysay inaanay diyaarba u ahayn inay wax ka qabato arrimaha ammaanka, isla-markaana aysan cidina u ciqaabin weerar illaa weerar kale, taa oo hoos u dhigtay gudashada waajibaadkii loo igmaday masuuliyiinta laamaha amniga. Masuuliyiintan ayaa la sheegaa inaanay uba cabsan in xilalkooda ku waayaan weerarada soo noq noqday, waana midda horseeday inay is dhigtaan. Laga soo bilaabo weerarkii boqolaalka qof ku dhinteen ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe illaa kii 28-kii bishii December ee sanadkii 2019 ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ayaa waxaan jirin, hal masuulba ha noqdee oo xilkiisa ku waayay. Villa Somalia ayaa ku soo uruurtay marka uu weerar dhaco inay ku hadaaqdo guddi baa loo xil saaray, maalmo ka dibna aan dib dambe loo arkin cid sheegeysa guddigaasi iyo wixii loo diray inay soo baaraan.    

            Niyad jabkase ugu weyn waxa uu bulshada reer Muqdisho soo wajahay, ka dib markii aynaan Dowladda Federaalka bannaanka keenin kuwii ka dambeeyay amaba fududeeyay weerarkii 24-kii bishii Luulyo ee sanadkii 2019 ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, laguna dilay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Waaberi, Shangaani, Cabdicasiis iyo weliba Agaasime-yaal Waaxeedyo ka tirsanaa Maamulkii Eng. Yariisow.

               Arrinta u baahan in la muujiyo ayaa ah, iyadoo aysanba Dowladda Federaalka si toos ah uga warqabin qaabka, ay kontoroolada magaalada ku dhex yaala uga hawlgalaan xoogaga ammaanka, sidoo kalana aysan la socon, haddii askarteeda qaarkood xiriir la leeyihiin mintidiinta Al Shabaab iyo haddii kalaba.

                  General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wareysi uu toddobadkii hore siiyay VOA waxaa uu ku sheegay in amnigii magaalada uu faraha ka baxay, isagoo u sababeeyay askarta qaarkood oo la shaqeysa Shabaabka hubeysan, ee dalka ka dagaalama.

           "Amnigii oo dhan baa faraha ka baxay, amnigii baa gacanta ku jirin. Mar haddii amni la’aan dhacdana waxaan iyo wax ka daranba way imaanayaan. Midda kale Shabaabkii ayaa ku soo dhex dhuuntay, wixii dhacayaa dhacay. Waxaa jira qaar xiriir la leh nimankan Shabaabka, oo markiiba u fududeynaya waxaan inay dhacaan.” Ayuu yiri General Subxaanyo.

           Indhaha bulshada ayaa iminka ku foorara Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ka gaabiyay shaqadii uu masuuliyadeedii qaaday. Shaqada NISA ayaa ah xuuraanka weerarada dhici kara iyo ka hortaggida weerarada kale, ee uu cadowgu damacsan yahay.

            Dad badan ayaa waxay aragtidoodu tahay inuu Fahad Yaasiin ku dhex-milmay siyaasaddii dalka, isla-markaana aanu isku wadi karin arrimaha siyaasadda iyo amniga. Fahad Yaasiin waxaa lagu tilmaamaa milkiilaha aan la dooran ee dowladda, waxayna su’aal ka taagan tahay suurtagalnimada inuu iska casilo xafiiska NISA.

            Villa Somalia ayay tahay mudada u harsan inay is bedel amni la timaado, haddii ay dooneyso inay hagaajiso mustaqbalkeeda siyaasadeed ee dalka, inkastoo aysan xilligan u muuqan mid ay jaanteeda heyso jidkii, ay taasi ku gaari laheyd.

           Haddii aynaan Villa Somalia waxba ka kororsan weeraradii silsiladaha ahaa ee in dhawaalaba ka dhacaayay Caasimadda Muqdisho ayaa sidii caadada ahaydba waxaan jiri doonin dersi ay ka baran doonto weerarkan ugu dambeeyay ee Elite Hotel lagu galay.

XIGASHO:DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip