WHO oo Warbixin Kasoo Saartay Cudurka ZIKA

0
Wednesday March 09, 2016 - 10:21:01 in Wararka by
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WHO oo Warbixin Kasoo Saartay Cudurka ZIKA

    Hayada Caafimaadka Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa uga digtay dumarka uurka leh inay u socdaalaan dalalka fayraska cudurka ZIKA uu ka jiro gaar ahaa dalalka Latin Amerika oo uu ku badan yahay. WHO oo Warbixin Kasoo Saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hayada Caafimaadka Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa uga digtay dumarka uurka leh inay u socdaalaan dalalka fayraska cudurka ZIKA uu ka jiro gaar ahaa dalalka Latin Amerika oo uu ku badan yahay. WHO oo Warbixin Kasoo Saartay Cudurka ZIKA
Warbixin ay dhawaan soo saartay ayay ku sheegtay in cudurka Zika oo lagu kala qaado galmada iyo qaniinka kaneecada looga badbaadi karo in laga taxadaro inaan loo galmoon qof cudurka qaba iyo in laiska ilaaliyo qaniinyada kaneecada sidda fayraska cudurkaas.

Cudurkaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu arkay dalka Uganda 1947dii. Dullinka dhaliya cudurkaan ayaa waxaa uu la xiriiraa kan dhaliya cudurka dengue loo yaqaano.

Cudurkaan ZIKA ayaa calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho. Si kastaba ha ahaatee waxaa qandhadaa lagu dhimi karaa nasasho.

Sanadihii kontameeyadii, waxaa cudurkaan lagu yaqaanay inuu ku dhaco dadka kunool gobolka dhulbaraha ee min Afrika ilaa iyo Asia. Intii u dhexeysay sanidihii 2013 iyo 2014 ayaa cudurku ku baahay jasiirado kuyaala bad weyntaPacific-ga. Si kastaba ha ahaatee,sanadkii lasoo dhaafay ee 2015 ayaa sidoo kale wuxuu cudurkaasi ku baahay Mexico, bartamaha Amerika, dalalka Caribbean iyo Koofurta Amerika halkaasoo cudurku uu gaaray heer saf mar ah.

Sanadkaan 2016, waxaa dhacday in xanuunku uu noqday mid aan loo heyn daawo ama tallaal looga hortagi karo. Bishii lasoo dhaafay ee Feberaayo ayaa la ogaaday in cudurku markii uu ku dhaco dumarka uurka leh uu ilmaha uurka kujira ukeeni karo cudduro sida korriimo yari iyo horumarka maskaxdiisa oo geyru caadi noqota.

Sidoo kale ayaa waxaa laga yaabaa in markii haweeney uur leh uu ku dhaco ay dhiciso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip