TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Noqday Xiddigii Ugu Horeeyay Abid Ee 90 Gool Ka Dhaliya UEFA Champions League & Istaatistikadiisa Kulankii Caawa.

0
Wednesday March 09, 2016 - 10:11:10 in Sports News by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Noqday Xiddigii Ugu Horeeyay Abid Ee 90 Gool Ka Dhaliya UEFA Champions League & Istaatistikadiisa Kulankii Caawa.

    Xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ay kooxdiisa caawa 2-0 kaga badisay kooxda AS Roma iyadoo goolkaas uu ka dhigan yahay goolkiisii 90aad ee uu ka dhaliyay tartanka UEFA Champions League, mana jirto ciyaary

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ay kooxdiisa caawa 2-0 kaga badisay kooxda AS Roma iyadoo goolkaas uu ka dhigan yahay goolkiisii 90aad ee uu ka dhaliyay tartanka UEFA Champions League, mana jirto ciyaaryahan abid gaaray tiradaas.

Ronaldo ayaana haatan sideed gool ka sareeya xiddiga ku soo xiga ee Lionel Messi kaasoo leh 82 gool koobka UEFA Champions League, waxaa kaalinta seddexaad ku jira halyeeygii Real Madrid Raul oo leh 71 gool kaasoo in muddo ah heystay rikoorkaan.

90ka gool ee uu Ronaldo ka dhaliyay Champions League 17 ka mid ah waxa uu ka dhaliyay wareega 16ka, halka 13 gool oo ka mid ah uu ka dhaliyay kooxaha Talyaaniga.

1457471963969_lc_galleryImage_MADRID_SPAIN_MARCH_08_Cri

90ka gool ee uu Ronaldo dhaliyay waxa uu 44 gool ku dhaliyay guriga kooxdiisa, waxa uu 44 gool ku dhaliyay garoon uu marti ku ahaa, halka labo gool uu ku dhaliyay garoon dhex dhexaad ah.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale caawa caawiye ka ahaa goolkii labaad ee kooxdiisa ay dhalisay ee uu saxiixay James Rodriguez waana caawintiisii 27aad ee Uefa Champions League, waxaana uu afar caawin dheer yahay xiddigaha haatan ciyaara Champions League Iniesta iyo Messi oo min 23 gool caawiye ka noqday Champuons League.

Waxaa xusid mudan in goolkii caawa uu dhaliyay inuu sidoo kale yahay goolkiisii 13aad ee uu ka dhaliyo Uefa Champions League xilli ciyaareedkan waana in ka badan labo gool intii ay AS Roma ka dhalisay Champions League xilli ciyaareedkan (11), sidoo kale waa goolkiisii 40aad ee tartamada oo dhan ee xilli ciyaareedkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip