Khatar Cadiim, Fadllan Akhri oo Fekerkaaga ka dhiibo, waa muhim!!!.

0
Friday August 14, 2020 - 12:01:33 in Wararka by
  • Visits: 1335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khatar Cadiim, Fadllan Akhri oo Fekerkaaga ka dhiibo, waa muhim!!!.

    Maalmahaan Baarlamaanku waxa uu ku Mashquulsan yahay, Ansixinta Sharciyo laga Mudan yahay, waxa uuna ka maagayaa in uu ka doodo Miinada naloo aasay ee ku xiran Saacad ah 2-3 Sanno, Taa oo aan Dalka qeyba ka mid ah iyo Qaran nimadeena ku wey karno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmahaan Baarlamaanku waxa uu ku Mashquulsan yahay, Ansixinta Sharciyo laga Mudan yahay, waxa uuna ka maagayaa in uu ka doodo Miinada naloo aasay ee ku xiran Saacad ah 2-3 Sanno, Taa oo aan Dalka qeyba ka mid ah iyo Qaran nimadeena ku wey karno. Meel maran ayaa farta naloogu Fiiqayaa, is annagu aan gacanteena isagu Dilno. ( F.S: 1ad) Haddii aad si fiican u fiiriso
   
           Sharciga Caalamiga ah ee maamula Heshiisyada Dawladaha Caalamku ay kala sixiidaan, "The Vienna Convention on the Law of Treaties (VCLT)” waxaa la saxiixay 23/5/ 1969 wuxuuna hirgelay 27/1/ 1980, Magaalada Vienna. Heshiisyada waxaa ku cad: Haddii Dawladaha wada gelay Heshiis Baarlamaankoodu eynan diidin wuxuu hirgelayaa muddo 2-3 sano gudahood ah. Mar haddii Heshiiayadaan ay hirgelana way adagtahay si loo soo celiyo waana (irrevocable).
           Tusaale ahaan, kiiskii muranka Badda ee Somaliya iyo kenya waxaa lagu badbaaday waqtigii Md. Sheekh Shariif, in Baarlamaanka Soomaaliya diiday Heshiiskaa waana ku mahadsanyihiin Xubnihii Baarlamaankii waqtigaa Joogay. Inkasta oo Kenya ey Heshiiskaas deg deg uga diiwaan gelisay Vienna isla markiiba.
              Diidmada Baarlamaankii waqtigaas jiray ayaa suura galisay in Md. Xasan Sheekh uu Dacwa geeyo ICJ, haddan Baarlamaankii hore diidi leheyn Dacwada nalagama Aqbaleen.
Waqtigaan la joogo Baarlamaanka waxaa laga sugaa in ey Diidaan Heshiisyo kaa ka daran, waxaa ka mid ah dhowr heshiis oo Ethiopia lala galay iyo kuwa kale, inksata oo Dowladu ey diiday in ey Baarlamaanka hor keento, si ey Mudada 2-3 Sanno ahi u dhacdo, kadibna nalagu hirgaliyo sharciga, Farsamadaa kama maqno Dowlado Ajnabi ah, Dowlada Ethiopia iyo Dowlada Somalida oo dowr jeer diiday in Baarlamanka la hor keeno Heshiiskii 4ta Dekedood iyo in Somalia & Ethiopia ey noqonayaan hal Waddan. Heshiisyadaa Ethiopia mar hore ayeeyba ka Diiwaan galisay "Xarunta Viena” si loo waafajiyo "VIENNA CONVENTION ON THE LAW OF TREATIES” .
             Dib u xasuuso hadalladii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Mr. Jimmy Carter, mar uu joogay Aftidii loo qaadayey Eritrea inay ka go’do Ethiopia 23-25/4/ 1993 ee uu ku yiri: wax la aqbali karo ma ahan Ethiopia oo Dadkeedu dhan yahay 100 Million in ey Bad la’aan ahaadaan. Waddan Dadkiisu uu yahay 3 Milliona uu leyahay Xeebta Africa ugu dheer. Mar kale Xasuuso isla Haddalkaa waxaa ku soo Celiyay u qaabilsanaha Arrimaha Africa Dawladda Mareykanka, (US Assistant Secretary of State department for African Affairs) Ms. Jendayi Frazer Sannadkii 2005 isaga oo weliba  Joogo xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa.
             Waxaa la daneynayaa in Baarlamaanka ama xukuumadu ey sii joogaan ama mid u eg la sameeyo si aan Arrintaa looga hadal 2-3 Sanno, kadibna Baarlamaankii iyo Xukuumadii ka aamustay midkoodna Dan lagama leh, in ey Baxaan ama sii joogaan, weliba waxaa lagu hor ceebeeynaa Caalamka iyo Somalida iyada oo la leeyahay: Iyagaa waqtigii loo baahnaa ee sharciga ahaa ka aamusay.
               Baarlamaaoow Mudada Gaaban ee idiin hartay waxaan idinka Codsaneynaa, in aad Heshiiyadaa aad ka hor tagtaan inta aan waqtigoodu nagu dhicin. Haddii aad gafkaa iyo Dambigaa qaadatiina Ummaddu waa idin kula Xisaabtamee ,Aakhira masuuliyadaa waxbaa la idika weydiinayaa. Walba Ceeboowdeene hanagu soo Noqonina si Baarlamaanka idinka Dambeeyo uu Hoowshiisa uga bilaabo Arrintaan inta aan waqtigu dhicin.
Ha Cabsan. " Waxaad dhehee, waxaad Dhunxee, intaadan dhalan ey dhigneed”
             GF: Arragtidaa waxaa ila qabo Aqoonyahano Badan oo uu ka mid yahay Prof. Osman Mohamed oo ( Qurba jooga ah), waxaan Rajeeynayaa Adiguna in aad nala qabtid. Wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Mahadsanid
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip