Korneyl Macow oo dhaliilay mid ka mida guddiga baaraya dhacdadii Xabsiga Dhexe

0
Wednesday August 12, 2020 - 08:21:19 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Korneyl Macow oo dhaliilay mid ka mida guddiga baaraya dhacdadii Xabsiga Dhexe

    Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Hay'adda Nabad Suggida ayaa quus ka muujiyay in natiijo lagu qanci karo ay bannaanka keynaan guddiga loo igmaday inay baaritaanka ku sameeyan dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Hay'adda Nabad Suggida ayaa quus ka muujiyay in natiijo lagu qanci karo ay bannaanka keynaan guddiga loo igmaday inay baaritaanka ku sameeyan dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar. Korneyl Macow oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa waxa uu intaa ku daray "Meeshaan waxay u baahan tahay guddiga madaxbannaan." Korneyl Cabdullaahi Cali Macow ayaa tilmaamay in baaritaankaasi loo xil saaray dad la doonayay inay iyagu ahayd in baaritaan lagu sameeyo, oo uu kala jeedo Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

               Korneyl Cabdullaahi Cali Macow ayaa sheegay inay tani calaamad u tahay inaanay meeshaasi waxba ka soo naaso cadayn, haddii dhacdadaasi ahayd mid ka yaabisay shacabka Soomaaliyeed, loona wakiishay guddi aan madaxbannaaneyn.

      "Dadka iyagii baaritaanka lagu samayn lahaa, haddii loo dhiibay inay iyaga noqdaan dadkii baari lahaa, taasna waxaa weeye waxba kama soo socdaan, maxaa yeelay fashilkii iyo ceebihii meesha ka dhacay, dadka Soomaaliyeed-na ka yaabiyay inay argagixisada ka dagaalanto gudaha Xabsiga Dhexe, in iyaga baara la yiraahdo.” Ayuu yiri Korneyl Cabdullaahi Cali Macow

 

            Dhanka kale Sii Hayaha Wasiirka Cadaaladda Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in si dhab ah loo baari doono weerarka dadka badani ku dhinteen ee gelinkii dambe ee Isniintii ka dhacay xabsiga ugu weyn Magaalada Muqdisho. Wasiirka oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee loo igmaday inay baaritaan ku soo sameeyan wixii dhacay ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo u fududeysay inay maxaabiista hub hellaan, dagaal-na ka galaan Xabsiga Dhexe ee Xamar. Isagoo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayuu sheegay inuu bilowday baaritaanka la xiriira dhacdadaasi, isla-markaana ay rajeynayan in guul ugu soo idlaato baaritaankaasi.

         Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab oo maxaabiis ahaa ayay markii ugu horeysay u suurtagashay inay hub kaga dhex dagaalamaan mid ka mid ah xabsiyada loogu ilaalada badan yahay ee dalka.

          Cabdikhani Maxamed Khadar, Afhayeenka Ciidanka Asluubta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Talaadadii sheegay in iska horimaadkaasi ku dhimatay 19 qof, oo 15 ka mida ahaayeen maxaabiista, halka 4-ta kalana ka tirsaneyd askarta.

xIGASHO:DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip