Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay Doorasho ka dhacday Maraykanka
Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorasho ay xisbigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaanimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.
Tartanka doorashadan oo si weyn ula tartamay Antone Melton-Meaux iyo musharaxiin kale ayay Ilhan ka gaartay guul weyn.
Guusha kadib ayay Ilhan Cumar boggeeda Twitterka waxa ay ku sheegtay in abaabul weyn loo galay sidii kursigeeda looga guuleysan lahaa. "Gudaha
Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka
adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya
ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo
ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro
nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro
nagu socday, taageeradeennu wey sii korortay”.
Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.
Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Maraykanka.
Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay Doorasho ka dhacday Maraykanka
Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorasho ay xisbigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaanimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota. Tartanka doorashadan oo si weyn ula tartamay Antone Melt