Shirkada DP-World Oo Ka hadashay halka ay Marayso Dhismaha Dekeda Berbera

0
Tuesday August 11, 2020 - 11:15:44 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada DP-World Oo Ka hadashay halka ay Marayso Dhismaha Dekeda Berbera

    Shirkadda DP WORLD ee maamusha Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka hadashay halka ay marayso Dhismaha 400M oo lagu kordhinayo Dekedda Magaalada Berbera. Qoraal kooban oo Shirkadda DP World ku baahisay barteeda Twitter-ka ayay ku sheeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda DP WORLD ee maamusha Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka hadashay halka ay marayso Dhismaha 400M oo lagu kordhinayo Dekedda Magaalada Berbera. Qoraal kooban oo Shirkadda DP World ku baahisay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay dhamaystirtay isla-markaana Kabbisaad ku samaysay 400 Mitir ee lagu kordhinayo Dekeddii hore ee Magaalada Berbera. "Waxaanu dhamaystirnay 400M oo Kabisaad ah oo kordhin cusub lagu sameeyay Dekedda Berbera ee Somaliland…" ayay qoraalkeeda ku sheegtay DP World. Shirkadda DP World oo Dekedda ku Maalgelinaysa Adduun Lacageed oo ka badan 400 Million oo dollar ayaa sheegtay in ballaadhinta lagu samaynayo Dekeddu ay mustaqbalka suurto-gelinayso in Dekedda Berbera ay Sanad kasta soo maraan 500.000 kun oo Koontiinar, maaddaama oo la ballaadhiyey. Sidoo kale, Shirkaddu waxay sheegtay in ballaadhinta lagu sameeyay dakaddu kor u qaadi doonto adeegsiga dekadda. "Waxayna sii xoojin doontaa Berbera oo ah xarun ganacsi oo weyn oo ka shaqeysa Geeska Afrika.." ayay sheegtay Shirkadda DP World.

...        




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip