Sawirro: Markii Ugu Horeysay Taariikhda Xulka Gabdhaha Afghanistan Oo Loo Sameeyay Xijaab Madaxa U Astura Oo Maaliyada Ay Ka Hoos Xiran Karaan

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:29:29 in Wararka by
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Markii Ugu Horeysay Taariikhda Xulka Gabdhaha Afghanistan Oo Loo Sameeyay Xijaab Madaxa U Astura Oo Maaliyada Ay Ka Hoos Xiran Karaan

    Shirkada soo saarta agabka isboortiga ee Hummel ayaa ogolaatay inay maaliyad u soo sameyso xulka gabdhaha Afghanistan taasoo lagu soo daray xijaab madaxa u qariya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada soo saarta agabka isboortiga ee Hummel ayaa ogolaatay inay maaliyad u soo sameyso xulka gabdhaha Afghanistan taasoo lagu soo daray xijaab madaxa u qariya.

Maaliyadaan oo la baahiyay maanta oo dunida looga dabaaldegayo maalinta haween adduunka ayaa ah noqoneysa maaliyadii ugu horeysay ee lagu daro xijaab timaha u astura dumarka.

Qeybta xijaabka ayaa ah funaanad iyo kofiyad weyn oo isku xiran taasoo jirka intiisa badan dabooleysa ka dibna waxaa laga dulgashanayaa maaliyad caadi ah oo xulka qaranka Afghanistan ah.

New-Afghanistan-football-shirt-with-Hijab-by-Hummel-620x413

Milkiilaha Hummel Christian Stadil ayaa yiri: "Maaliyado uma sameyno kooxaha ugu waa weyn dunida, laakiin waxaan bahwadaag la nahay kooxo haya sheekooyin laga sheekeeyo sida Afghanistan.

"Waxaan isku dayaynaa inaan dadka reer Afghanistan kula kulano halka ay joogaan haatan oo aan ka caawino dumarka inay kubada cagta ciyaaraan iyagoo xijaaban ama iyagoo aan xijaabneyn.”

Sawirada la baahiyay ee naqshada cusub ee xulka libaaxyada Afghanistan ayaa waxa yihiin maaliyado casaan ah iyo kuwa martida ee cadaanka ah.

565432

1

98

xigasho:-dulqaadka.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip