Taliska Ciidanka Asluubta oo shaaciyay tirada dadkii ku dhintey dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe

0
Tuesday August 11, 2020 - 10:18:32 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Asluubta oo shaaciyay tirada dadkii ku dhintey dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe

    Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar. Afhayeenka ciidamada Asluubta Soomaaliya G/Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar. Afhayeenka ciidamada Asluubta Soomaaliya G/Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tirada guud ee dhimashada ay gaareyso 19 ruux halka dhaawacana uu yahay siddeed kale. Cornel Qalaf ayaa sheegay in 15 ka mid ah dadka dhintey ay yihiin maxaabiistii xabsiga ku xirneyd, halka afarta kelena ay askar ahaayeen. Dadka ku dhaawacmay iskahorimaadkan ayuu sheegay afhayeenku in 7ka mid ah ay ahaayeen maxaabiis halka hal ruuxna uu ahaa askari ka tirsan ciidamada asluubta. Afhayeenka ciidanka Asluubta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hada ay xaalada caadi tahay isla markaana ay socdaan wali baaritaanno la xiriira sida ay ku suurta gashay inay maxaabiista ay helaan hub.
..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip