Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Beledweyne oo lagu dilay Magaaladaas
Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa xalay lagu toogtay Magaaladaasi sida masuuliyiinta Maamulka qaarkood ay xaqiijiyeen.
Dabley hubaysan ayaa toogasho ky dilay Guddoomiye Ku xigeenkii Laanta Nuur Xawaad ee Xaafadda Xaawo Taako, kaasi oo lagu magacaabi jiray Jeelle Gaarane Aadan.
Dableydii dilka gaysatay ayaa waxa ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen Marxuumkaasi, waxaana meesha tagay Ciidamada ammaanka oo maydka marxuumka meesha ka soo qaaday.
Ciidamada ammaanka Magaalada Beledweyne oo hawlgal ka sameeyay goobta dilka uu ka dhacay, ayaa la sheegay inay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad Ciidanka ay tuhmaayaan.
Amniyaadka Al Shabaab ayaa badanaa beegsada xubnaha la shaqeeya masuuliyiinta Maamulada dalka ka jira, kuwaasi oo ay la beegsadaan dilal qorsheysan. ..
Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Beledweyne oo lagu dilay Magaaladaas
Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa xalay lagu toogtay Magaaladaasi sida masuuliyiinta Maamulka qaarkood ay xaqiijiyeen. Dabley hubaysan ayaa toogasho ky dilay Guddoomiye Ku xigeenkii Laant