Mahdi Guuleed oo magacaabay Guddiga baarista dhacdadii Xabsiga Dhexe (Akhriso)

0
Tuesday August 11, 2020 - 11:00:20 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahdi Guuleed oo magacaabay Guddiga baarista dhacdadii Xabsiga Dhexe (Akhriso)

    Sii-hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay Guddiga Baarista dhacdadii shalay ka dhacday xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Guddigan oo ka kooban lix xubnood ayaa la faray inay si degdeg ah u howlagalaan, kana kee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sii-hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay Guddiga Baarista dhacdadii shalay ka dhacday xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Guddigan oo ka kooban lix xubnood ayaa la faray inay si degdeg ah u howlagalaan, kana keenana natiijo dhameystiran oo ku saabsan baaritaanka shaqaadada ka dhacday xabsiga Dhexe.   

Xubnaha Guddiga ayaa waxay kala yihiin:-

1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye
2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin
3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin
4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin
5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee


Maxkamadda Ciidamada​ Xubin
6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka BaaristaDambiyada (C.I.D.)​Xubin

Xilka iyo Waajibaadka Guddiga:

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip