Baaritaano ku aadan sidda Maxaabiista hubka loogu gacan galiyay oo bilowday

0
Tuesday August 11, 2020 - 09:31:56 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaritaano ku aadan sidda Maxaabiista hubka loogu gacan galiyay oo bilowday

    Siihayaha Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii Khasaaraha dhaliyay ee shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho, islmarkaana ay ku dhinteen qaar ka mid ah maxaabiista. Wasii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siihayaha Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii Khasaaraha dhaliyay ee shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho, islmarkaana ay ku dhinteen qaar ka mid ah maxaabiista. Wasiirka Caddaalada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharciga marsiin doonto Cidii fududeysay in hub uu gacanta u galo Maxabiista, islamarkaana hadda ay socdaan baaritaano ku aadan sidda ay wax u dhaceen. Waxaa uu kaloo uu tilmaamay in baaritaanada socda sidda ugu dhaqsiyaha badan lasoo gabagabeyn doono ayna rajo ka qabaan in Cidii falkaasi abaabushay gacanta lagu dhigo. Waxaa uu tilmaamay in Mas'uuliyad dheeraad ah la iska saari doono ilaalinta Maxaabiista Amnigooda. Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii shalay gelinkii dambe hub ay gacanta ku dhigeen Maxaabiista xukuman ee ku jirta xabsiga dhexe ee Muqdisho.
     


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip