Somaliland iyo Twain oo wakiilo is dhaafsaday

0
Tuesday August 11, 2020 - 08:24:39 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Twain oo wakiilo is dhaafsaday

    Wasiirka arrimaha dibedda ee Twain Joseph Wu ayaa sheegay in uu soo dhoweeyay wakiilka koowaad ee Somaliland u fadhiya Taiwan, Maxamed Cumar Hagi kaasoo dhawaan uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Af hayeen u hadlay wasaarada arim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibedda ee Twain Joseph Wu ayaa sheegay in uu soo dhoweeyay wakiilka koowaad ee Somaliland u fadhiya Taiwan, Maxamed Cumar Hagi kaasoo dhawaan uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Af hayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Taiwan, Joanne Ou, ayaa sheegay in Somaliland ay xafiis cusub oo wakiil ah ka furi doonto Taipei bisha Ogosto ama Sebtember. Ou ayaa sheegay in labada dhinac ay wali ka wada hadlayaan talaabooyinka xiga ee xiriirkooda. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay inay sidoo kale qorsheynayso inay xafiis ka furato Somaliland, islamarkaana wakiilkeeda cusub uu kusii jeedo Hargeysa. Somaliland waxay ku dhawaaqday madax-bannaanida 1991 markii dagaal sokeeye ka dhacay Soomaaliya. In kasta oo uusan xiriir rasmi ah la lahayn dal dibloomaasiyadeed, haddana waxay 20 xafiis ku leedahay dalalka adduunka.          


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip