HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 11-AUG-2020

1
Tuesday August 11, 2020 - 10:54:32 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 11-AUG-2020

    Xafiiska Hubinta Tayada Qalabka Dhismaha oo xarigga laga jaray Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Shalay xariga ka jar ay xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qa labeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaat

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Hubinta Tayada Qalabka Dhismaha oo xarigga laga jaray Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Shalay xariga ka jar ay xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qa labeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaato tayeynta dhismaha guryaha iyo wadoo yinka dalka. Ujeedada hir-gelinta xafiiska ayaa salka ku heysa horumarinta tay ada dhismayaasha da dalka iyo hubinta dham aan waxybaaha fudud eynaya in dhismaha dal ka la hagaajiyo si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fat ahadaha iyo dhamaam waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo wadooyinka. Mahdi Maxamed Guuleed oo ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xa fiiska loo ballaarin lahaa, ayaa shirkada dhism aha kula dardaarmay inay wasaaradda Howla ha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismaya al leh tayada iyo halbeegga heer caalami. D/FS ayaa ku howlan hagaajinta iyo hour marinta dhismayaasha dalka si loo helo wad dooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qa ata bed-qabka bulshada, horumarinta kaabaya asha dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlay qaabkii Maxaabiista ku heleen Hubka

     Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen/ Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii Shalay ilaa Xalay ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar.

     Taliyaha ayaa sheegay in Maxabiistii shaq eyneysay ee Raashinka kars aneysay ay askari gudaha kula jira Qorigii la qabsadeen oo ka qaateen, kadibna markii qoriga gacantooda galay ay toogteen askari kale oo ilaalo ka ahaa dusha sare ee xabsiga, kaasoo dhulka kusoo dhacay, qorigiina ay ka qaateen.

     "Laba qori ayaa gacantooda sidaas ku gal ay, waxayna bilaabeen dagaal.. dagaal ka dha cay waa noocaas… dhibaato badan baa ka dhalatay mar haddii gudaha xabad ka bilaaba tay dagaalka wuxuu keenay dhamasho iyo dha awac..” ayuu yiri taliyaha ciidamada Asluubta oo sheegay in arrintii ay dhammaatay.

    Taliyaha Ciidmaada Asluubta oo u waram ay TV-ga dowladda ayaan bixin faahfaahin ka le,waxaana ka muuqatay xaalad aan dega neyn.

Dowladda oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Xabsiga Dhexe

     Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan howlgalkii ka socday Gudaha Xabsiga Dhexe ee magaa lada Muqdisho,sida uu Warbaahinta  Dowl adda u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar. Howlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii qaar kamid ah maxaabiista xabsiga Dhe xe ay halkaasi shaqaaqo ka sameeyeen gelin kii dambe ee Shalay,iyadoo ciidamadu ay toog teen qaar kamid ah dadkii maxaabiista ahaa ee shaqaadadaasi ku lug lahaa.

      Ilaa 6 kamid ah maxaabiistii dagaalamay say ayaa goobtay lagu toogtay,4 ayaa la qab tay,iyadoo ay dhaawacmeen 6 kale, oo ragii da gaalamay kamid ah,Waxaa goobta ku sugan ciidamada amniga iyo saraakiishooda,iyadoo weli ay socoto xaqiijin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee shaqaaqaddaasi ka dhashey

     Xaaladda ayaana haatan ku soo laabatay si caadi ah,waxaana la filayaa in laamaha Am maanka Soomaaliya ay faah faahin ka bixi yeen.

DF Soomaaliya oo shaacisay in la fudude eyey weerarkii Xabsiga Dhexe

   DFS Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay inay jiraan shakiyo iyo suuragalnimada in la fududeeyay weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar oo isniintii geyst een maxaabiistii ku jirtay xabsiga, kuwaasoo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

     Sii-hayaha wasiirka wasaaradda caddaala da Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka waramay dha cdadaasi isagoo shaki geliyay qaabkii weerar kii u dhacay isla markaana carabka ku adke eyay inay jiraan dad fududeeyay in maxaabiis ta gacantooda hub galo, ayna bilaabi doonaan baaritaan si sharciga loo horkeeno cidii fududeysay arrintaasi.

     Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan khasaa re arrintaasi ka dhashay, hase ahaatee uu ka gaabsaday inuu faah faahiyo.

Wuxuu ballan qaaday in baaritaan dhab ah ay sameyn doonaan ciddii lagu helana la kor keeni doono caddaalada.

    Hadalka wasiirka caddaalada Xasan Xus een ayaa beeninaya warkii uu jeediyay tali yaha xabsiga dhexe, kaasoo uu ku sheegay war u muuqday mid uu daboolayay oo xaqiiq da ka fog. Xigasho:Caasimadda.Net

Madaxweynaha Galmudug oo ka digay in la fashiliyo Shirka Dhuusamareeb

    Madaxweynaha D/G/Galmudug Axmed Cab di Kaariye ( Qoor Qoor ) oo ku sugan dalka tur kiga ayaa uga mahad celiyay Bulshada Galmu dug gaar ahaan kuwa Magaalada

 dhuusamareeb sida ay u soo dhaweeyeen Wufuudii kala duwaneyd ee ka qeyb-gashay Shir kii ka dhacay Magaalada as.

    "Waxaan u mahad celinayaa Reer Galmud ug, gaar ahaan bulshada Caasimada ee wax ka yar laba maalmood ku marti qaaday wufu uda faderaalka oo ka badnaa kun qofood, iya doo magaaladu aysan laheyn guriyo waaweyn iyo Hoteelo,waxaana rajeynayaa in shirka kale ay doorkooda qaataan ayuu yiri" Madaxweyne Qoor Qoor. Sidoo kale Madaxweynaha Galm udug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dalbaday in laga fogaado wax kasta oo lagu fashilin karo Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee la filayo in uu dhex-maro Madaxda Dowla dda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galm udug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) wax aa uu ka sheegay Xaflad lagu soo dhaweyna yay oo lagu qabtay Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarla manka oo kulan yeeshay

      Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baa rlamanka FS ayaa Xalay Kulankooda 2aad ee Kalfadhiga 7aad Ku yeeshay Xaruunta Guddi yada Iyo Guddonka G/Shacabka.

  Waxayna Kulankooda Uga Hadleen Shur uucda La Taala ee G/shacabka iyo sidii loo Kala horumarin la ha ama Mudnaanta loo kala siin Laha Maa lmaha La Kala Geli nayo Shuruucda Golaha Hor yaala

       Sidokale Kulanka Ayaa Looga Hadlay Sidii Shaqada Baarlamanka Loo Kordhin Laha Islamarkana Inta Waqtiga Baarl amanka Ka Harsan Loo Dardar Gelin Laha Dastuurka Ku meel Gaarka ee Dalka

     Kulan Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Ayaa Waxa Shir Guddominaa yey Guddomiy aha G/Sh/Baarlamaanka   Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxman Iyo G/Ku Xigeenka 1aad ee G/ Cabduweli Sh. Ibraahim Muuday

       Kulanka marku soo dhamaaday ayaa Xog hayaha G/Sh/B/F/Soomaliya  Md.Cabdi karim Xaaji Buux Warbaahinta uu Faahfa ahiyey.

Guddoomiye Xalay lagu dilay Baladweyne

       Gudoomiye ku Xigeenkii Xafada Xaawo Taako  Jeelle Gaarane Cabdulle ayaa kooxa hubaysani waxaa ay  ku dileen M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiran.

Dabley hubeysan ayaa sida la sheegay waxaa ay dileen Guddo omiyaha xili uu ku sugnaa Nurxa waad oo ah laan ka mid ah xaafa dda Xaawo taako.

     Dilka kadib ciidanka ammaanka ayaa soo gaaray halka uu dilka ka dhacay waxaana bill aabeen howl gallo lagu baadi goobayo dabl eydii falka gaystay.

      Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ma amulka Gobalka Hiiraan oo ay kaga hadlayan dika ka dhacay Baladweyne, sidoo kale ma jirto cid sheegatay Ma’uuliyadda dilka loo gay stay Jaalle Gaarane Cabdulle.

     Magaalada Baladweyne ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay falalka nooc aan oo kale ah ee loo gaysto mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka degmada iyo sidoo kale  sar aakiisha ciidanka, waxaana intabadan lagu eedeyaan in ay ka danbeyaan falalkaas Al-sha baab, walow aysan sheegay falkaaan cawa ka dhacay Baldweyne.

Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal miino baaris ah

      Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa Shalay shir guddo omiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka howlgalla garoonka diy aaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

      Ujeeddada kullanka ay aa aheyd sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah oo shaqo joojin sameeyay iyagoo ka cabanaya shirkadda Favori LLC. Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo Xu quuqda Aadanaha Marwo Deeqo Yassin iyo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Mudane Xirsi Aadan Roble, ayaa si wadajira ah waxaa uga qaybgalay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTU,guddi ka socday shaq aalaha muruq-maalka ah iyo maamulka shirk adda Favori LLC.

      "Dowladda Soomaali yeed waxaa ka go'an in la dhowro xaquuqda muwaa dinka Soomaal iyeed, annaga taas ayaa halkan ina keentay." ayuu yiri Wasiir Sadiq Warfa oo la hadlay gu ddi ka socday shaqaalaha muruq maalka ah. "Waxaan la kulanay maamulka garoonka oo warbixin aan ka dhageysanay, waxaa inoo xigay guddiga ka socday shaqaalaha cabana ya ee muruq-maalka ah, annagoo ka dibna u yeernay maamulka shirkadda Favori oo ka hor kullanka aan u gudbinay warqad rasmi ah oo faraysa xaquuqda Shaqaalaha iyo muwaadin iinta Soomaaliyeed." ayuu yiri Wasiir Warfa.

      Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay in hadda xal laga gaaray cab ashada shaqaalaha, kullanka Shalay qabsoo meyna uu billow u yahay kullamo lagu doon ayo in xal looga gaaro cabashada soo noq noq otay ee shaqaalaha muruq-maalka ah. "Wasaa radda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda waxaan Shaq aalaha muruqmaalka ah iyo muwaadiniinta So omaaliyeed u ballanqaadaya in xal kama da mbeys ah muddo toddobaadyo ah looga ga ari doono cabashada soo noq noqotay ee shaq aalaha ..

     Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc cid wal ba hageysa mas'uuliyadna saaraysa taas aya ana la waafajin doona." ayuu yiri. Shirkan ayaa waxaa xigo doona kullamo xal kama dambeys ah looga gaarayo cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka, kuwaaso hadda si rasmi ah ugu laabtay howlahoodi shaqo, ka dib shaqo joojintii ay Axaddii Dorraad same eyeen. .

Maamulka Hir-Shabeelle oo sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen deg aannadooda

 Wasiirka W/Amniga ee D/G/Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre ayaa sheegay in culeyska Ammaan ee kajira waddada xiriirisa Mag aalooyink Muqdisho & Jow har ay sabab u tahay howl gallada ay Ciidamada Do wladda ka wadaan degaano ka tirsan G/Sh/ Hoose.

Waxaa uu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee kasoo weecday howlgallada ay Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan Sh/Hoose ay u soo wareegeen dega annada Hir-Shabee lle, iyaga oo geysta weer aro kala duwan. W/W/Amniga ee D/G/Hir-Shab eelle Md Kheyre oo la hadlay Voa-da ayaa she egay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaar een inta u dhaxeysa G/Sh/Hoose iyo Sh/Dhe xe. Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in caqabada amni ee ka jirta degaannada Hir-Shabeelle iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee kusoo qul qulaya ay u gidbiyeen Hay'adaha Ammaanka Soo maaliya, isla markaana uu rajeynayo in wax laga qaban doono. Deegaa no iyo de gmooyin ka tirsan G/Sh/Dhexe gaar ahaan wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdi sho & Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dha cay weraro ay geysteen Al-Shabaab oo lagu dilay, Askar, Xildhibaano & mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Dowladda oo ka jawaabtay Cabasho kasoo yeertay Shaqaalaha Garoonka Aadan-Cadde

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhib aan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Shalay shir gud doomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

      Ujeeddada kullanka ayaa aheyd sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa cabashada shaqaala ha muruq-maalka ah oo shaqo joojin same yay iyagoo ka cabanaya shirkadda Favori LLC. Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqo Yassin iyo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Xirsi Aadan Roble, ayaa si wadajira ah waxaa uga qaybga lay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTU, guddi ka socday shaqaalaha muruq-maalka ah iyo maamulka shirkadda Favori LLC. "Dowlad da Soomaaliyeed waxaa ka go'an in la dhowro xaquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, annaga taas ayaa halkan ina keentay." ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa oo la hadlay guddi ka socday shaqaalaha muruqmaalka ah. "Waxaan la kula nay maamulka garoonka oo warbixin aan ka dhageysanay, waxaa inoo xigay guddiga ka socday shaqaalaha cabanaya ee muruq-maa lka ah, annagoo ka dibna u yeernay maamulka shirkadda Favori oo ka hor kullanka aan u gudbinay warqad rasmi ah oo faraysa xaquu qda Shaqaalaha iyo muwaadiniinta Soomaaliy eed.

     "ayuu yiri Wasiir Warfa. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay in ha dda xal laga gaaray cabashada shaqaalaha, kullanka Shalay qabsoomeyna uu billow u ya hay kullamo lagu doonayo in xal looga gaaro cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka ah. "Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyada oo gudanaysa waa jibaadkeeda waxaan Shaqaalaha muruqmaa lka ah iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ballanqaadaya in xal kama dambeys ah mu ddo toddobaadyo ah looga gaari doono caba shada soo noq noqotay ee shaqaalaha .. Dalk enna wuxuu leeyahay shuruuc cid walba hag eysa mas'uuliyadna saaraysa taas ayaana la waafajin doona." ayuu yiri. Shirkan ayaa wax aa xigo doona kullamo xal kama dambeys ah looga gaarayo cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka, kuwaaso hadda si rasmi ah ugu laabtay howlahoodi shaqo, ka dib shaqo joojintii ay Axaddii Dorraad sameeyeen.

Faroole: Xagee looga hadlaa Af-Turki, barta Amxaariga iyo Kenyanka iyagaa anfac leh

    Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka So malia ayaa weeraray nidaamka waxbarasho ee dowladda federaalka isagoona difaacay nid aamka waxba rash ada Puntland oo uu til maamay in uu yahay mid caalami ah oo dowl addaha caalamka qaar aqoonsan yihiin shah aadada waxbarasho ee Puntland.

     Md. Faroole ayaa sidoo kale mar uu ka had layay arday reer Puntland oo imtixaanaadka ku galay Muqdisho waxa uu meesha ka saaray jiritaanka arrintaasi oo wasaaradda waxbara shada DFS horay ugu dhawaajisay, isagoona tilmaamay in hadii ay jirtana ay yihiin 600 ar day oo uu ku sheegay kuwo ceebeysan oo me el nidaam ka dhisan ka tegay.

   "Hadii ay jirto waa 600 ceebeysan oo meel nidaam dhisan ka tegay oo meel aad arkeyse en, waxaan arkaayey muuqaal imtixaan la xa day oo la isku gud-gudbinaayo oo meel walba la isku dir-diraayo, marka wax sax ah nin ka ta gay oo wax qalad ah qaatay ma gyro, nidaam diid-waaye waxaasi federaal diid-waye ha dhageysanina,” ayuu yiri Faroole.

     Ardayda Puntland ayuu ku booriyay inay dhabarka adkeystaan oo ay ku kalsoonaadaan maamulkooda, isla markaana waxbarashada dibadeed ay u aadaan dalalka jaarka sida Ken ya iyo Itoobiya oo uu tilmaamay in luuqadaho oda ay anfac leeyihiin, halka dalka Turkiga  oo ardayda Soomaaliyeed intooda badan waxbar ashada u aada uu ku tilmaamay luuqad aan an fac laheyn oo caalamka meel looga hadlo jirin.

     "Sabab ayaad u aadeysaa Turkiga, ninka Turkiga aadayo xagee looga hadlaa af-turki, waabaa tegay Turkiga, wallaahi hal tabeella oo Af-carabi ama English ku qoran maan arkin, waxaa ku yaal wax dhibco badanoo aan la kici karin, aada meelaha tacliintooda sar-sareyso ay ka mid tahay Kenya iyo Itoobiya, waxaad ba raneysaan luuqado kale oo Sawahili oo Africa oo dhan looga hadlo, Somalia, Kismayo iyo Ju booyinka waa looga hadlaa, Itoobiya xitaa waa dal weynoo Amxaariga hadaad barato qariib ma noqoneysid,” ayuu yiri Faroole.

     Sababta uu Senator Faroole macno daro u gu tilmaamay luuqada Turkiga iyo waxbara shadiisa sareyso ayaa qeyb ka ah khilaafka waxbarasho ee DFS iyo Puntland, iyadoo Tur kiga ay aqoonsan tahay oo kaliya shahaadada DF. Xigasho:caasimadda.net

D/Soomaaliya oo abaabul dagaal ka bila awday degaannada K/Galbeed

   Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliyeed Janeraal Cabbaas Amiin Cali oo ku sugan M/ Baydhabo ee Xarunta G/Baay ayaa halkaasi waxaa uu ka bilaabay abaabul dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

 Taliyaha ayaa waxaa uu la kulmay Saraakiisha Ciida mada Dowladda Soomaa liya iyo kuwa Maamulka K/ Galbeed ee ku sugan M/ Baydhabo, isaga oo kala hadlay sidii loo bi laabi lahaa dagaal ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab. Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Saraakiisha uu la kulmay uu kala hadlay xaalada Ciidamada ay ku sugan yihiin iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi wada shaqeyn ee dhexmartay Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in D/F/S. gaar ahaan taliska Ciidanka xoogga dalka ay ka go 'an tahay sugida Amniga Guud ee dalka iyo da radar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Sha baab. Hadalka Taliyaha Ciidamada dhulka Soo maaliyeed Janeraal Cabaas Amiin Cali ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Deynuun aay ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Md.Cali C/llaahi Cosoble oo Arrin siya as adeed ku tilmaamay Amni darrada Wadada Muqdisho & Jowhar

    Madaxweynihii hore ee D/G/Hir-Shabeelle Cali C/hi Cosoble oo ka hadlayay falalka Amni darro ee mararka qaar ka dhaca wadada xirii risa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin Arrimo Siyaasa deed.

      Md.Cali C/hi Cosoble oo la hadlayay Idaac adda Voa-da ayaa sheegay in waqtigii uu jo ogay Amniga wadadaas ay ah eyd mid wanaagsan,hayeeshee haatan aysan mas'uuliyiinta mari karin,isaga oo sheegay inay sa bab u tahay Arrimo siyaasadeed oo kajira degaannada Hir-Shabe elle. "Aniga waqtigii aan joogay Xildhibaanna da xilligii ay doonaan ayay horay iyo gadaal u socdeen hadii ay doonaan inay Barnaamijyo dhaqaajiyaan Xamar waa ay aadi kareen, laa kin hadda waxaa ay noqotay in Xildhibaann ada xayirnaadaan ilaa la helo 50 Xildhibana oo diyaarad gaar ah kireystaan ayuu yiri" Coos ble.

     Waxaa uu sheegay in sababaha Amni da ra rda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ay ta hay mid siyaasadeysan oo lagu doonayo in la gu yareeyo dhaq dhaqaaqa Xildhibaannada oo badankood soo aada Magaalada Muqdisho. Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dha cay weeraro lagu dilay Askar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo mas'u uliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland oo dalab u diray Dowladda jabuuti

    Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu ka codsaday Dowl adda jabuuti inay soo gaarsiiyaan qalab lagu nadiifiyo Dekedaha, gaar ahaana Ciida ka saara aaga ay kusoo xirtaan maraakiibta iyo Doonyaha. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland Saciid C/hi Deni uu xiriir dhinaca taleefoonka ah uu la sameeyay Maareyaha Dekedaha Jabuuti, isaga oo ka codsaday in maalmo kooban ay ka caawiyaan sidii loo nadiifin lahaa Aaga ay Maraakibta iyo doomaha kusoo xirtaan ee dekadda M/Boos a aso.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip