Daawo Sawirada: Saraakiil Booliska ka tirsan oo ku geeriyooday Qaraxa Baabuur ee Muqdisho ka dhacay

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:15:38 in Wararka by
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Saraakiil Booliska ka tirsan oo ku geeriyooday Qaraxa Baabuur ee Muqdisho ka dhacay

    Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Khasaaraha ka dhashay Qarax loo adeegsaday Gaari oo saaka aroortii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Gaadiidka Booliska Somaliyed ee loo yaqaan (Xero Gaadiid).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Khasaaraha ka dhashay Qarax loo adeegsaday Gaari oo saaka aroortii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Gaadiidka Booliska Somaliyed ee loo yaqaan (Xero Gaadiid).

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay afaafka hore ee xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska Somaliyed, gaar ahaan goob maqaayad ah oo ay fadhiyeen Saraakiil ciidamada Booliska ka tirsan oo shaah halkaasi ku cabaayay.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay ujeedka Qaraxa inuu ahaa in lagu beegsado Xarunta Xero gaadiid, balse ay u suurageli weyday arintaasi.

"Waxa ay rabeen in ay gaariga ku dhuftan Albabka hore ee Xerada laakiin intii uusan soo leexan ayuu gaariga qarxay, ninkii waday waa kaa gaariga dhinac yaalla hadda sadax sargaal ayaa ku dhimatay dad kale oo maqaayadda fadhiyayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarayā€¯Sidaasi waxaa Yiri Gen Cali Xirsi Barre

Saraakiisha qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa la sheegayaa inay kala yihiin Taliyihii ciidanka Booliska Suuqa Bakaaraha oo magaciisa lagu soo koobay Qalcadde, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska Howlwadaag iyo Taliyihii ciidanka Booliska Heliwaa.

Qaraxa Baabuur 4Qaraxa Baabuur 5Qaraxa Baabuur 6Qaraxa Baabuur 7Qaraxa Baabuur 8Qaraxa Baabuur 9Qaraxa Baabuur 10Qaraxa Baabuur 11Qaraxa Baabuur 12

xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip