Madaxweynaha Puntland & Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo oo ka shiray Amniga

0
Monday August 10, 2020 - 19:49:16 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland & Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo oo ka shiray Amniga

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaaladda Gaalkacyo kulan kula qaatay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug . Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, isbede

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaaladda Gaalkacyo kulan kula qaatay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug . Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, isbedelka dhinaca amniga ah ee socda, howlgalada lagu sugayo amniga oo lagula dirirayo maandooriyaha iyo waxkastoo amni daro ah. Madaxweynaha ayaa Isimada iyo Waxgaradka Gobolka la wadaagay qorshaha Maamulka ee ku aadan Gobolka, dhinacyada amniga, horumarka iyo dhismaha ciidamada. Dhammaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa isku raacay in ay Maamulka kala shaqeeyaan Amniga iyo wax kasta oo Gobolka khuseeya, waxaana Isimada iyo Waxgaradku la wadaageen Maamulka inay garab taaganyihiin, diyaarna u yihiin inay kala shaqeeyaan howlgalka Gobolka looga nadiifinayo Maandooriyaha iyo dadka ka shaqeysta. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baaralamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada , Xildhibaano, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Puntland. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip