Qorsho looga hortagayo fatahaada Magaalada Beledweyne oo socda

0
Monday August 10, 2020 - 19:36:12 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorsho looga hortagayo fatahaada Magaalada Beledweyne oo socda

    Guddiga xalalka waara ee ka hortagga fatahaahada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa weli waxaa ay wadaan dadaaladii ugu xooganaa oo ay kaga hortagayaan fatahaahada Wabiga Shabeelle. Xubnaha Guddiga ayaa maalmihii la soo dhaafay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga xalalka waara ee ka hortagga fatahaahada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa weli waxaa ay wadaan dadaaladii ugu xooganaa oo ay kaga hortagayaan fatahaahada Wabiga Shabeelle. Xubnaha Guddiga ayaa maalmihii la soo dhaafay dadaaladii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii si wadajir ah looga hortegi lahaa fatahaada Wabiga, iyada oo laga sameeynayay inta badan meelaha ay biyaha ka soo baxaan. Goobaha ay Gudiga ku guuleysteen Shaqooyinkii ay qabteen ayaa waxaa kamid ah kiliyada qooqane iyo Waraabaale waxaan hareeraha wabiga iyo meelaha jilcisan ee ay biyaha horay ugu soo bixi jireen lagu wareejiyay buurar dhaadheer oo aysan biyaha mari karin sida ay sheegeen engineerada gacanta ku haayo Shaqadaas. Guddoomiyaha guddiga xalalka fatahaahada Magaalada Beledweyne Xaaji Cismaan haaruun dhagxoow ayaa sheegay in shaqada xiligaan meelo kala duwan ka socoto,isla markaana bartilmaameedku uu yahay meelaha ay injireeda u tilmaameen oo ay biyaha kasoo burqadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip