Dhaawaca Liibaan Madaxweyne oo la geeyay Magaalada Gaalkacyo

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:00:17 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaawaca Liibaan Madaxweyne oo la geeyay Magaalada Gaalkacyo

    Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa waxa ay si rasmi ah u xaqiijiyeen in Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, xalay la geeyay Dhaawaca Sarkaal Liibaan Madaxweyne oo ka tirsanaa ciidanka Dowladda kana soo goostay oo ku biiray Ahlu Sunna, balse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa waxa ay si rasmi ah u xaqiijiyeen in Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, xalay la geeyay Dhaawaca Sarkaal Liibaan Madaxweyne oo ka tirsanaa ciidanka Dowladda kana soo goostay oo ku biiray Ahlu Sunna, balse Ahlu Sunna kula dagaalamay Magaalada Dhuusamareeb oo halkaasi lagu qabtay isaga oo dhaawac ah.

Wuxuu sheegay qorshaha inuu yahay marka la soo daaweeyo Liibaan Madaxweyne kadib in dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka Ahlu Sunna si loo maxkamadeeyo.

Madaxa Warfaafinta Ahlu Sunna Jakuula, ayaa sheegay in Ahlu Sunna aysan si toos ah u siideynin Sarkaalkaan, balse si dhaawaciisa loo daaweeyo kaliya loo ogolaaday in Odayaasha reerkiisa ah lagu wareejiyo kadibna marka la soo daaweeyo la soo celiyo.

Ahlu Sunna waxa ay sheegaysa in maxkamad la soo taagayo Sarkaalkaasi oo lagu qaadayo dambiyada la xiriira dagaalkii uu ka abaabulay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip