Maamulka Hir-Shabeelle oo sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen degaannadooda

0
Monday August 10, 2020 - 19:33:19 in Wararka by
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Hir-Shabeelle oo sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen degaannadooda

    Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre ayaa sheegay in culeyska Ammaan ee kajira wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdisho & Jowhar ay sabab u tahay howlgallada ay Ciidamada Dowladda ka wadaan dega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre ayaa sheegay in culeyska Ammaan ee kajira wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdisho & Jowhar ay sabab u tahay howlgallada ay Ciidamada Dowladda ka wadaan degaano ak tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa uu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee kasoo weecday howlgallada ay Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan Shabeellaha Hoose ay u soo wareegeen degaannada Hir-Shabeelle, iyaga oo geysta weeraro kala duwan. Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaareen inta u dhaxeysa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe. Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in caqabada amni ee ka jirta degaannada Hir-Shabeelle iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee kusoo qul qulaya ay u gidbiyeen Hay'adaha Ammaanka Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in wax laga qaban doono. Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdisho & Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weraro ay geysteen Al-Shabaab oo lagu dilay, Askar, Xildhibaano & mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip