Natiijo horudhac ah oo laga soo saaray baaritaanka weerar ka dhacay Guriceel
Laamaha amniga Degmada Guriceel ayaa Guddoomiyaha Degmada iyo dhamaanba xubnaha Maamulka warbixin ka siiyey Hawlgal ka dhashay weerar Bam gacmeed ahaa oo lagu qaaday guri uu degan yahay sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.
Kulan Maanta ka dhacay Magaalada Guriceel ayaa waxaa lagu soo bandhigay natiijada horudhac ah oo la xiriira weerar bambaano oo dhawaan lagu qaaday Hoyga Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya, kaas oo ku yaalla Guriceel.
Taliyaha Booliska degmada Guriceel Gaashaanle Daahir Faarax ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Gaadiid iyo dad ay ku tuhmayaan weerarkaasi bambaano ee lagu qaaday Hoyga uu degmada Guriceel ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabdsugida Soomaaliya. .
Natiijo horudhac ah oo laga soo saaray baaritaanka weerar ka dhacay Guriceel
Laamaha amniga Degmada Guriceel ayaa Guddoomiyaha Degmada iyo dhamaanba xubnaha Maamulka warbixin ka siiyey Hawlgal ka dhashay weerar Bam gacmeed ahaa oo lagu qaaday guri uu degan yahay sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya. Kulan Maanta ka d