Hogaamiye sare oo ka tirsan IS oo lagu dilay duqeyn Mareykanka ka geystay Suuriya

0
Wednesday March 09, 2016 - 08:31:45 in Wararka by
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye sare oo ka tirsan IS oo lagu dilay duqeyn Mareykanka ka geystay Suuriya

    Milateriga Mareykanka iyo Laamaha Sirdoonka ayaa qiimeynaya duqeyn todobaadkii hore diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone ka fuliyeen Suuriya, kaasoo ay macquul tahay in lagu dilay Hogaamiye sare oo ka tirsan IS, kaasoo lagu magacaabo Omar al-Shi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milateriga Mareykanka iyo Laamaha Sirdoonka ayaa qiimeynaya duqeyn todobaadkii hore diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone ka fuliyeen Suuriya, kaasoo ay macquul tahay in lagu dilay Hogaamiye sare oo ka tirsan IS, kaasoo lagu magacaabo Omar al-Shishani.

 Duqeyntan oo dhacday jimcihii la soo dhaafay ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday Omar al-Shishani oo ka soo jeeda dalka Georgia, kana midka ah hogaamiyeyaasha sare ee IS.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijinaya inay u dhow-dahay in al-Shishani lagu dilay weerarkii cirka ahaa ee ka dhacay magaalada Al-Shadadi ee dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in Omar Al-shishani oo magaciisa dhabta ah uu yahay Tarkhan Batirashvili uu ka mid yahay Taliyeyaasha sar sare ee IS.

Omar al-Shishani ayaa waxaa uu horay Mareykanka madaxiisa u dul dhigay 5-milyan oo dollar, waxaana uu ahaa Taliyeyaasha sare ee dhanka dagaal gelinta u qaabilsan Daacish, isagoo hogaaminayay Howl galada waqooyigaCiraaq.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ururka IS oo ku aadan hadalka ka soo yeeray Mareykanka ee ku aadan inay u dhow dahay in Omar al-Shishani uu ku dilay duqeyn jimcihii la soo dhaafay uu ka geystay Suuriya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip