Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo fasax galay

0
Sunday August 09, 2020 - 20:25:47 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo fasax galay

    Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku yeeshay kulankii ugu dambeeyay ee Kal-fadhiga 2aad ee Golaha. Kulanka lagu soo xirayay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Jubba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku yeeshay kulankii ugu dambeeyay ee Kal-fadhiga 2aad ee Golaha. Kulanka lagu soo xirayay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa qeyb galay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana shir guddoominayay Guddoome Cabdi Maxamed C/raxmaan, iyagoona fasax galay muddo hal Bil iyo bar. Guddoomiyaha Guddiga habdhowrka Xildhibaanada Jubbaland xildhibaan Shurki wayrax Kaariye oo munaasabadda xiritaanka kal-fadhiga 2aad ee Baarlaamanka Jubbaland ka hadashay ayaa waxaa ay sheegtay in shaqooyinka soo baxa muddada ay fasaxa ku maqanyihiin xildhibaanada ay ka shaqayn doonaan guddiyada joogtada ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey xiritaanka kal-fadhiga ayaa Xildhibaanada ka maqnaa fadhiyadii ugu dambeeyey ee Golaha ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan kal-fadhiga 3aad. Ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in Kal fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka dowlad Gooboleedka Jubbaland uu dib u furmi doono 9-ka bisha Oktoobar ee dabayaaqada sannadkaan.

...




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip