Maxay tahay waxbarashada lagu wareejiyay Gobolka Banaadir?

0
Sunday August 09, 2020 - 19:39:26 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay waxbarashada lagu wareejiyay Gobolka Banaadir?

    Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxaa ay maamulka Gobolka Banaaadir ugu wareejisay waxbarashada Gobolka. Sii haya Wasiirka waxabarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxaa ay maamulka Gobolka Banaaadir ugu wareejisay waxbarashada Gobolka. Sii haya Wasiirka waxabarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay munaasabadda Maamulka Gobalka uu kula wareegayay waxbarashada Gobalka ayaa waxaa uu sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha ay wareejiyeen iyo sababaha ay u wareejiyeen, waxaana uu munaasabadda ka jeediyay Goodax Barre khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu kaga hadlayay isbaddalka dhacay. Ka wasaarad ahaan iyo maamulka gobalka Banaadir ayuu sheegay in ay in muddo ah ka wada hadlayeen wareejinta waxbarashada Gobolka, ayna isku afgarteen. Waxbarashada ay maamulka ku wareejiyeen ayuu sheegay in ay tahay midda maamulka Gobalka Banaadir, sida Ardayda, Macalimiinta iyo Dugsiyada waxbarshada ee ka diiwaan gashan Gobalkan Banaadir. Waxaa uu sheegay in ardayda ugu badan ee wax ka barta dalka ay ku nool yihiin Gobalka Banaadir, waxaana uu sheegay in Ardayda dalka wax ka barata ee Wasaaradda u diiwaan gasahn ay yihiin wax ka badan Nus Malyuun (500,000) ayna Laboboqol iyo afartan kun (240,000) oo ka mid ahi ay wax ka bartaa Gobolka Banaadir, sidaas darteedna ay u go'aan sadeen in ay Maamulka Gobolka ku wareejiyaan Mas'uuliyaddaas.
       Macalimiinta dugsiyada wax ka dhiga iyo Dugsiyada waxbarashada ayuu sheegay in ay ugu badan yihiin Gobalkan Banaadir, waxaa kale uu sheegay Goodax Barre in waddanka oo idil ay ka diiwaan gashan yihiin Laba kun (2000) oo iskuul kuwaas oo intooda badan ay ku yaallaan Muqdisho.

        Sidoo kale waxaa uu sheegay in wasaaraddu ay sameyn doonto guddi kormeer ku sameeya guud ahaan goobaha waxbarshada dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay la socon doonaan qaabka ay maamulka Gobalka iyo maamulada kale ay u dar-dar galiyaan nidaamka waxbarasho ee dalka.

       Waxaa sidoo kale uu sheegay in Maamulka Gobalka Banaadir in uu u diyaarsan yahay mas’uuliyadda lagu wareejiyay, waxaana sida uu sheegay Goodax maamulka lagu wareejiyay nidaam waxbarsho iyo habkii loo dar-dar galin lahaa geeddi socodka waxbarsho ee dalka.

      Ugu danbeyntii sii hayaha wasiirka waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre waxaa uu baaq u diray dad uu sheegay in ay haystaan goobo dowladdu ay leedahay oo loogu tala galay Waxbarashada, waxana uu sheegay in laa baahan yahay in sida ugu   dhaqsiyaha badan lagu banneeyo Goobaha loogu tala galay Waxbarshada, maaddaama ay jiraan Arday farabadan oo aan haysan waxbarasho kuwaas oo u baahan in loo dhiso Dugsiyo ay si bilaash ah wax ugu bartaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip