Madaxweynaha Puntland oo war ka soo saaray geerida Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada

0
Sunday August 09, 2020 - 12:00:50 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo war ka soo saaray geerida Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada

    Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Taliyhii Ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G/Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi, kuwaasoo ku geeriyooday howlgal saaka Ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Taliyhii Ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G/Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi, kuwaasoo ku geeriyooday howlgal saaka Ciidanka ku qaadeen maleeshiyooyin hubeysan. War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka uu ku geeriyooday howlgal Ciidanka Madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacyo oo ay ku soo qabteen mukhaadaraad iyo burcad nabadiid ah oo ka ganacsanayey. "Alle ha u naxariisto Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed wuxuu uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hoggaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo"ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. Allaha u naxariistee Cismaan Cumar ayaa horay u soo noqday Taliyihii Ilaalada gaarka ah ee Ra'iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid, waxaa uu ka soo qeyb qaatay dadaaladii Nabadda ee Gaalkacyo, waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah, firfircoon, akhlaaq wanaagsan.

        



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip