Xaalad adeg oo ka taagan Shabeellaha Hoose iyo Guddoomiye ka hadlay

0
Sunday August 09, 2020 - 19:09:19 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad adeg oo ka taagan Shabeellaha Hoose iyo Guddoomiye ka hadlay

    Guddoomiyaha Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed (Waafoow) ayaa waxaa uu sheegay in xaalada deg deg ah ay ka taagan tahay Gobolka, maadaama ay saameeyeen fatahaaddi Wabiga shabeelle . Guddmooiye waafo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed (Waafoow) ayaa waxaa uu sheegay in xaalada deg deg ah ay ka taagan tahay Gobolka, maadaama ay saameeyeen fatahaaddi Wabiga shabeelle . Guddmooiye waafoow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu intaas uu ku daray in xaalada ay ka baxday faraha isla markaana ay tahay mid u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan looga jawaabo . "Waxaa loo baahanyahay in si deg deg ah wax loogu qabto dadka tabaaleysan ee haatan ku jira xaalado aad uliita maxaa yeelay, Maheystaan Hoy, Cuno Daawo iyo waxyaabaha loo baahanyahay aas aaska nolosha ayuu hadalkiisa raacay Guddoomiyaha. Sidoo kale Guddoomiyaha Cabdullaahi Cali Axmed waafoow waxa uu sheegay in dadka tabaaleysan ay u badanyihiin caruur iyo haween oo aan xamili Karin xaalada soo wajahday ee u baahan in si wadajir ah loo wajaho. Ugu dambeyn Guddoomiye Waafoow ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay inaywax ka qabtaan xaalada deg dega ah ee ka taagan Gobolka gaar ahaan magaalooyinka ay sameeyeen fatahaaddaha haba ugu badnaatee Degmada Afgooye.
      


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip