Hay'adda socdaalka ee IOM oo sheegtay inay kumanaan Soomaali ah ku xanniban yihiin Dalka Yemen.

0
Sunday August 09, 2020 - 12:06:27 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda socdaalka ee IOM oo sheegtay inay kumanaan Soomaali ah ku xanniban yihiin Dalka Yemen.

    Qaramada midoobay Hay'adda u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in kumanaan musaafuriin sharci darro ah ay ku xayiran yihiin Dalka Yemen, halkaas oo ay ka jiraan colaado daba dheeraaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada midoobay Hay'adda u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in kumanaan musaafuriin sharci darro ah ay ku xayiran yihiin Dalka Yemen, halkaas oo ay ka jiraan colaado daba dheeraaday.       Waaxda IOM u qaabbilsan baxnaaninta barakacayaasha ee DTM ayaa diiwaan gelisay 3,669 musaafuriin ah, kuwaas oo badankood ka tagay Soomaaliya intii u dhaxaysay April illaa June 2020, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dad gaaraya 4000 oo musaafuriin sharci darro ah una badan Soomaali ay hay’adda IOM ka codsadeen Bishii June ee Sanadkan taakuleyn ku aaddan in loo celiyo Dalkoodi Hooyo.

Musaafuriinta sharci darrada ah oo badankooda ka tagay geeska Afrika ayaa waxay Dalka Yemen gaareen xilliyo kala duwan, si ay fursado shaqo iyo nolol ugu raadsadaan Waddamada Khaliijka Carabta




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip