Qarax saaka ka dhacay agagaarka Xarunta Gaadiidka Booliska (Sawirro)

0
Wednesday March 09, 2016 - 08:21:36 in Wararka by
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax saaka ka dhacay agagaarka Xarunta Gaadiidka Booliska (Sawirro)

    Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, iyadoo qaraxan uu ka dhashay gaadiid yaallay meel ku dhow ilinka laga galo xarunta gaadiidka booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, iyadoo qaraxan uu ka dhashay gaadiid yaallay meel ku dhow ilinka laga galo xarunta gaadiidka booliska.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku soo warameysa in gaariga uu ku qarxay meel u dhow xarunta Gaadiidka Booliska, gaar ahaan afaafka hore maqaayad laga cuno cuntada fudud oo ka soo horjeeda Xarunta Gaadiidka Booliska.

Lama oga qaraxan in si toos loola dan lahaa xarunta gaadiidka Booliska iyo in gaariga uu qof lahaa oo waxyaabaha qarxa loogu soo xiray.

Hase ahaatee maqaayada uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa fariista Ciidamada Booliska oo ka qaxweeya, cuntada fududka ka cuna xilliyada subixii.

Meydka qof gaariga saarnaa ayaa wadada yaala, lamana oga in ruuxan ahaa ninka is qarxinayay iyo in kale, saraakiisha laamaha ammaanka ayaa goobta soo gaaray, kuwaasoo baaritaano wada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidanka Booliska.

Dhinaca kale waxaa daqiiqado ka hor iyana la sheegay in qarax uu ka dhacay agagaarka Dugsigii 21 October ee degmada Waabari, waxaana qaraxaas la sheegayaa inuu ka dhashay mootada loo yaqaano Bajaaj.

Qaraxyadan saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wali faah faahin rasmi ah laga heyn, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda.

qaraxa5qaraxa4qaraxa1qarax3qarax2qarax




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip