Taliye sare oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsanaayay maandooriyaha Khamriga oo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen Xarunta Kabista ee Gaalkacyo halkaas oo ay Saldhig u aheyd rag hubeysan oo ka gacsanada maandooriyaha Khamriga, waxaana dagaalka uu socday muddo kooban.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo, waxaana goobta ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed oo kamid ahaa Ciidankii howlgalka fuliyay.
Sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacmay mid kamid ah ragii ka ganacsanaayay maandooriyaha Khamriga, iyagona Ciidanka puntland ay gacanta ku dhigeen 5 kamid ah ragii hubeysanaa, isla markaana goobtaas la wareegay.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana Ciidanka ay ku burburiyeen Saldhigii ugu weynaa ee khamriga iyo maandooriyeyaasha kale lagu iibin jiray, halkaas oo ay tilmaameen Saraakiisha inay dhibaato amni ku aheyd Gaalkacyo
Taliye sare oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsanaayay maandooriyaha Khamriga oo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Dagaalkaas a