Khamri badan iyo ragii ka gacansanayay oo howlgal lagu qabtay

0
Sunday August 09, 2020 - 09:37:39 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khamri badan iyo ragii ka gacansanayay oo howlgal lagu qabtay

    Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF iyo kuwa Booliska ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xeradda Kabidda oo ku taalla bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland. Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF iyo kuwa Booliska ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xeradda Kabidda oo ku taalla bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland. Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa lagu soo qabtay Khamri badan iyo rag hubeysan oo ka gacansanaayay maandooriyaha, waxaana inta uu socday howlgalka ay Ciidanka iska caabin kala kulmeen ragii hubeysnaa. Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay 5 kamid ah ragii ka gacansanaayay maandooriyaha Khamriga, halka mid kalena ay Ciidanka dhaawac u geysteen.
     

     Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in goobta howlgalka laga fuliyay ay aheyd Saldhigga ugu weyn ee lagu iibi jiray Khamriga iyo Maandooriyeyaasha kale, waxaana Saraakiisha ay tilmaameen inay goobtaas ay dhibaato amni ku aheyd Gaalkacyo.

      "Waxaa ciidamada Amniga Puntland , PSF, (PMP BIRMADKA ) iyo Booliska ay howlgal culus ay ka fuliyeen xeradda Kabidda magaalada Galkacyo halkaas oo gabi ahaan ay ciidamada amniga ka hoowlgalaya gobolka ay gacanta ku dhigeen rag ka ganacsada maandooriyaha khamriga. Waxaana howlgalka lagu dhaawacay mid kamid ah waxaana gacanta lagu dhigey 5 kamid ah oo kuwa ka ganacsada maandooriyaha khamriga oo caadeeystayaal ahaa” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska.

      Si kastaba Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhowr jeer laga fuliyay howlgal ka dhan ah maandooriyaha Khamriga, iyadoo howlgaladaas lagu soo qabtay Khamri badan iyo ragii ka ganacsanaayay, kuwaasi oo sharciga la horgeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip