Sarkaal Shabaab ah iyo ilaaladiisa lagu dilay Sh/Hoose
Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa faah faahiyay howlgal khasaare nafeed sababay oo laga sameeyay deegaanka sham-gare oo hoostaga degmada Awdheegle gobolka shabeellaha hoose.
Howlgalka oo dhacay Sabtidii shalay ayaa waxaa lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Shabaab iyo 8 dagaalyahan oo ilaalo u aheyd, Milatariga waa ay ka gaabsadeen iney dhankooda sheegaan xadiga khasaare ee howlgalkan ka soo gaaray.
Gaashaanle Axmed Maslax Xuseen oo ah Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa tilmaamay in u jeedka howlgalkan iyo weerarka isla socday uu ahaa sidii ay u fashilin lahaayeen qorshe weerar oo Shabaab ay ku dhisayeen deegaanka ay weerareen, halkaasoo uu ka socday is uruursi, sida uu yiri.
Hawlgalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Al-Shabaab ay Shalay ismiidaamin ka gaysteen Xerada Guutada 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay sagaal 9 qof oo sideed ka mida yihiin Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo 22 kalana ay ku dhaawacantay.
Sarkaal Shabaab ah iyo ilaaladiisa lagu dilay Sh/Hoose
Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa faah faahiyay howlgal khasaare nafeed sababay oo laga sameeyay deegaanka sham-gare oo hoostaga degmada Awdheegle gobolka shabeellaha hoose. Howlgalka oo dhacay Sabtidii shalay ayaa waxaa lagu dila