Xildhibaan Cabdi Cali "Waa Been, Baarlamaanka ma rabo muddo kororsi"

0
Sunday August 09, 2020 - 09:13:24 in Wararka by
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cabdi Cali "Waa Been, Baarlamaanka ma rabo muddo kororsi"

    Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa beeniyay wararka sheegaya in Baarlamaanka uu rabo muddo kororsi, isagoo caddeeyay in Baarlamaanka aanu awood u aheyn inuu muddo kororsi iska sameysto, iyadoo aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa beeniyay wararka sheegaya in Baarlamaanka uu rabo muddo kororsi, isagoo caddeeyay in Baarlamaanka aanu awood u aheyn inuu muddo kororsi iska sameysto, iyadoo aan la qancin shacabka. Xildhibaan Cabdi Cali oo wareysi siiyay Telefishinka Dalsan ayaa sheegay in muddo lagu eedeeyaynayay Baarlamaanka inuu Xukuumadda ku milmay oo aanay aheyn hey'ad sharci dejin, balse markii todobaad ka hor uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday Xukuumadda la keenay warka ah muddo kororsi. "Ujeedada kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka waxay aheyd Mas'uuliyad darro ee ma aheyn muddo kororsi, Baarlamaanka inta soo fariisto mudada ayaa kororsanay ma dhihi karo, iyadoo aan qancin shacabka Soomaaliyeed"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali. Waxaa uu sheegay in wararka been abuurka ee ku saabsan muddo kororsiga ay wadaan dad dano leh ama mucaaradka banaanka jooga oo doonaya inay abuuraan xaalado. "Waxaa leeyahay Siyaasiyiinta daneynaya kuraasta aan ku fadhino ee xaqa u leeyihiin waa in ay damacooda shaqsiyadeed ka hormarin danta dalka iyo midda guud, waxaa iska hor imaanaya tan guud iyo tan shaqsiga, sharciga aan tixgelino, dastuurka aan tixgelino dowladnimada inay kobacda aan ka shaqeyno"ayuu yiri Xildhibaanka oo intaa ku daray in aanay ugub aheyn Guddiga doorashada wada inuu wax ku daro inta ay howsha socoto.

      




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip