Dibedbaxayaal careysan oo xoog ku galay Xarumo Wasaaradeed

0
Sunday August 09, 2020 - 09:10:10 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibedbaxayaal careysan oo xoog ku galay Xarumo Wasaaradeed

    Dadka ku mudaharaadaya caasimadda Beyrut ayaa galay wasaarado ay dowladda leedahay, xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha salka ku haya qaraxii weynaa ee Talaadadii magaaladaasi ku dilay in ka badan 158 qof. Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku mudaharaadaya caasimadda Beyrut ayaa galay wasaarado ay dowladda leedahay, xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha salka ku haya qaraxii weynaa ee Talaadadii magaaladaasi ku dilay in ka badan 158 qof. Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas u adeegsaday dibedbaxayaasha, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay Fagaaraha Shuhadada. Ra'iisal wasaaraha dalkaasi, Xasan Diyaab, oo telefishinka kala hadlay shacabkiisa, ayaa sheegay inuu codsan doono doorasho baarlamaan oo xilligeeda laga soo hormariyay si looga gudbo xiisadda taagan. Qaar badan oo kamid ah shacabka Lubnaan ayaa ka caraysan sida looga hortagi waayay qaraxa oo ka dhashay makhaasiin lagu keydiyay kumannaan tan oo ah maadada qaraxda ee ammonium nitrate. Maadadaasi ayaa laga dejiyay markab dekadda Beyrut ku soo xirtay lix sano ka hor. Dowladda ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto kuwa mas'uulka ka ahaa dayacaaddaasi.
     


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip