Xukuumadda oo Maamulka Gobalka Banaadir ku Wareejisay Maamulka Waxbarshada Caasimadda

0
Sunday August 09, 2020 - 17:55:34 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo Maamulka Gobalka Banaadir ku Wareejisay Maamulka Waxbarshada Caasimadda

    Xukuumadda oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas'uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda. Ku wareejinta maamulk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas'uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda. Ku wareejinta maamulka gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka. Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda. Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaamunaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas'uuliyadda waxbarashada gobalka. Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha dalka, mudaneMahdi Maxamed Guuleedoo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas'uuliyadda maanta lagu wareejiyay. Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
.

       



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip