WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 9-KA MAARSO 2016KA

0
Wednesday March 09, 2016 - 08:00:22 in Wararka by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 9-KA MAARSO 2016KA

    MADAXWEYNAHA OO HAWEENKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 8-DA MAARSO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxam uud, ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 8-da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO HAWEENKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 8-DA MAARSO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxam uud, ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 8-da Maarso awgeed ee maalinta haween weynaha caalamka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay door wax ku ool ah ka soo qaat een hourmarka dalka, iyagoo safka horey kaga jirey halgankii xornimadoonka, dib u heshiisiin ta ummadda, nabadeynta, wax soo saarka iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

"Cidna ma dafiri karto doorka shariifka ah ee haweenka Soomaaliyeed, xuquuqda haween kuna waxay ku caddahay qur’aanka kariimka. Waxaan sannadkan ugu bishaareynayaa in markii u gu horeysey la dhaqan gelin doono qoondada ay ku leeyihiin baarlamaanka oo ah boqolkiiba 30 , iyagoo sidoo kale heli doona tixgelin qeybaha kala duwan ee adeegyada dowladda iyo bulshada’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si bulsho horumar u gaarto ay lagama maarmaan tah ay in haweenku ay helaan xuquuqdooda oo dhameystiran, sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Soomaaliya si buuxda u taageersan tahay, qaybna ay ka tahay Ololaha Ururka Midowga Afrika ee dhimista ama yareynta hooyooyinka naftooda ku waaya xiliga dhalmada Accelerated Reduction of Maternal Morta lity in Africa (CARMMA) .

"Adeegyadeenii caafimaad inkastoo aanay weli gaarin heerkii laga rabey, hadana horumar la taaban karo ayaa jira oo dalka qeybihiisa kala duwan waxaa ka furan xarumo lagu daryeelo haween ka iyo dhallaanka, dowladduna waxay dadaal ugu jirta in la helo adeegyo caafimaad oo tayo leh’’.

Dhanka nabadgelyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in haweenku ay kaalin wanaagsan ka qaataan nabadeynta iyo sugidda ammaanka, iyagoo qeyb ka ah ciidammada kala duwan ee qalabka sida, waxaana uu ku booriyey inay meesha ka sii wadaan la shaqeynta iyo taageerada laamaha amniga ee dalka.

RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO XARIGA KA JARAY DHISMO CUSUB OO LOO DHISAY WAKAALADDA SONNA.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xarunta Wasaradda Warfaafinta ay ku soo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee howlwadeennada Wasaaradda ayaa waxaa uu xar iga ka jaray xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, isagoo intaasi kadib Kormeeray dhismaha cusub ee Wakaaladda SONNA iyo qeybaha ay ka koobantahay.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sidoo kale kulan looga hadlayay tayeynta howlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ay u heyso dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dar gelin lahaa.

Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane Cabdiraxm aan Yuusuf Sheekh AlCadaala ayaa ka hadlay muhiimadda Wakaalada Wararka Qaranka Soomaali yeed ay u leedahay dalka ,wuxuuna sheegay in Wakaaladda SONNA ay dib usoo ceshan doonto doorkii Warbaahineed oo ay ku laheyd Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye’’ ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka uga warbixiyay horum arada kala duwan ee ay ku talaabsatay Wasaaradda Warfaafinta iyo dadaallada xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiiinta Wasaaradda Warfaafinta in Wakaaladda war arka Qaranka soomaaliyeed SONNA dib ugu soo laabato kaalintii baahinta Wararka dalka iyo dibad da ay kaga jirtay, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan warar ay ku kalsoonaan karaan, maadaama ay Wakaaladdu u taagantahay baahinta iyo uruurrinta wararka wakaaladaha kale ee caalamka.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY INAY GACAN KA GEYSATAY DUQEYNTII DIYAARADAHA MAREYKANKA

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inay gacan ka geysteen duqeyntii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku qaadeen saldhig AlShabaab ku lahaay een deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Mr Hadliye oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in Sirdoonka Soom aaliya ay kaalin ku lahaayeen duqeynta Mareykanka ee lagu dilay 150 dagaalyahano ka tirsan AlShabaab.

"Waxaa jiray warbixin sirdoonkeena ah oo dhanka dhulka ah, taas ayaana suura gelisay in duqeynta ay dhacdo, Sirdoonka qaranka ayaa ka caawiyay Mareykanka weerarkaas”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Sirdoonada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inuu Mareykanka xogo ku siiyay weeraro cirka ah oo lagu dilay Hogaamiyeyaal ka tirsan AlShabaab.

Afhayeen u hadlay Pentagonka Mareykanka Jeff Davis ayaa sheegay in duqeynta ay ku dil een 150 dagaalyahan, isla markaana goobta ay bartilmaameedsadeen ay aheyd meel ay xogteeda hayeen.

Mareykanka ayaa sheegay in AlShabaab ay qorsheynayeen weerar weyn oo halis ah inay ku qaadaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

WASIIRKA AMNIGA "TIRADA LAGU DILAY DUQEYNTA MAREYKANKA 150200 AYAY U DHAXEYSAA”

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in duqeyntii Sabtidii ka dhacday deegaanka Raaso ee Gobolka Hiiraan uu ahaa mid dowladda Soomaaliya lagu soo war geliyay.

Wasiirka Amniga oo wareysi siiyay Idaacada VOAda ayaa sheegay in tirada dagaalyahan ee Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaas ay u dhaxeyso 150200 oo dagaalyahan.

"Dowladda Soomaaliya waa lagu soo wargeliyay weerarkaas, waxaana tirada maleeshiyada Al-Shabaab uga dhimatay ay u dhaxeysaa 150200″ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan wali war ka heyn wax madax ah oo ka tirsan Al-Shab aab oo weerarkaas lagu dilay, balse laga yaabo in war la xiriira arrimahan ay gadaal ka soo baxaan.

Waxaa uu sheegay Tababarada Al-Shabaab ay siiyaan dagaalyahanada ay ka qeyb qaataan 150-200 oo dagaalyahan

"Inta badan tababarada kooxda Al-Shabaab waxaa markiiba ka qeyb gala 150-200 oo malee shiyo, marka tirada dhimashada Mareykanka sheegay ee ah 150 waa sax, haddiiba aysan ka bad neyn” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Buulo Burde C/casiis Durow oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in tirada AlShabaab uga dhimatay duqeyntaas ay aad u badan tahay, isla markaana ay jiraan rag madax ah oo ku geeriyootay weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa xaqiijisay weerarkan inuu dhacay, balse waxaa ay beenisay tirada uu Mare ykanka sheegtay ee 150dagaalyahan, waxaana ay ku tilmaamtay mid buun buunin ah oo laga bad badiyay.

GUDDOOMIYE MADAALE OO 50KUN DOLLAR KU WAREEJIYAY GUDDIGA DHISAYA JIDKA XAMAR IYO HOBYO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka dhabeeyay balanqaadkii ahaa inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Hobyo.

Wadadan ayaa dhismaheeda waxaa iska kaashanaya Ganacsato iyo dadweynaha Soomaali yeed, iyadoo ay door weyn ku leeyihiin Odayaasha iyi waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana maali ntii la dhagax dhigayay halku dhig looga dhigay Xamar ka quraaco Hobyana ka qadeey.

Munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku guddoonsiiyay Guddiga dhismaha wadada Xamar illaa Hobyo lacag dhan 1,140,000 (Hal bilyan iyo boqol iyo Afartan Milyan oo shilling Soomali ah) taasoo U dhiganta $50,000 oo dollarka Mareyk anka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay In wadadan ay tahay wado muhiim ah oo dhibaato badan ka jirto, isla markaana haweenka Soomaaliyeed ee xaamilada ah ay ku adag tahay inay wadada maraan.

Wadada ayaa ka kooban 560-KM, waxaana uu Guddoomiyaha uu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan la hirgeliyo, si dadka loogu faa’ideeyo.

WASIIR MAAREEYE "SADDEX QODOB HADDII AY SAMEYSO DOWLADDA SHABAAB WAA LAGA ADKAANAYAA”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheeg ay in hadii Dowladda Federaalka Somaliya ay sameyso saddex Qodob, laga adkaanaayo dagaalka Shabaab lagula jiro.

Isaga oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayuu Wasiir Ma areeye, wuxuu tilmaamay Dowladda Somaliya inay wado qorshooyin kala duwan oo lagu doonaayo in lagu soo afjaro dagaalka Shabaab.

Qodobka Koowaad ayaa Wasiirka Warfaafinta wuxuu ku sheegay in Dowladda Federalka Somaliya ay dhisto oo ay tayeyso ciidankeeda, hadii ay yihiin kuwa Sirdoonka iyo kuwa Xooga dal ka Somaliyed oo qaab Millateri u wajahaya dagaalka.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab looga adkaan karo wada shaqeyn dhexmarta Dowladda iyo Shacabka Somaliyed oo soo gudbiya xogaha la xiriira Shabaabka Maga alada ku dhex dhuumaaleysta.

Sidoo kale Qodobka Saddexaad ayaa Wasiir Maareeye, wuxuu ku tilmaamay inay tahay in Culimadda Somaliyed iyo Waxgaradka ay si cad u sheegaan fekerka qaldan ee Shabaab ay dhal inyarada Somaliyed ku marin habaabinayaan iyo sidii looga hortagi lahaa.

Al Shabaab ayaa dhalinyarada u dagaalanta waxa ay qabaan aragti ah in qofkii dagaalkaasi ku dhinto uu yahay mid Shahiid ah, waa sida laga dhaadhiciyay Shabaabka.

SOMALILAND OO SHALAY SHEEGTAY INAY SIIWADAYSO WADAHADALLADII AY KULA JIRTAY DOWLADDA SOMALIA

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo shalay warbixin ka horjeediyay guddiga joogtada ee golaha guurtida Somaliland, ayaa Sheegay in ay sii Wadi doonaan Wadahadal ladii kala Dhexeeyay Dowladda Somalia, Isagoo sidoo kale sheegay in Ictiraafraadinta Somaliland ay ka bilaabayaan dalalka Afrika.Dowladda Federaalka Somalia iyo Somaliland oo horay u sheeg tay inay Somalia ka go’day ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2012-kii u dhexeeyay Wadahadallo ay uje edkoodu ahaayeen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa.

"Waxaanu doonaynaa in aan halkii kasii wadno Wadahadalladii aanu Somalia kula jirnay, oo aan Tayeyno kana Mirodhalino,” ayuu Hadalkiis ku yiri Sacad Cali Shire oo Xusay in dhankooda ay mar walba diyaar u yihiin Wadahadalku inuusan joogsan oo u sii socdo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa intaa ku daray in wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ay soo billowdeen sanadkii 2012-kii, waxaana jiray waxyaabo badan oo lagu heshiiyay, balse aan laga mirodhalin.

"Nasiibdarro Wadahadalladu waxay noo billowdeen sannadkii 2012-kii, Waxaana tan illaa muddadaas la isku yimid sagaal jeer, Waxyaabo fara badan ayaana lagu heshiiyay, Laakiin lama dhaqangelin, waxyaabo kaloo wadahadalladan laga filayayna kama aysan soo bixin. Sidaa awgee dna, Waxaanu dhankeena doonaynaa in Wadahadalladaas lasii xoojiyo lagana mirodhaliyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Sacad Cali Shire.

Dhanka kale, Wasiir Sacad Cail ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay in ay dadaal ku bixiso sidii aqoonsi ay ku heli lahayd, isagoo xusay in ictiraafraadintooda ay ka billaabi doonaan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ku yaalla.

"Waxaanu doonaynaa inaan dadaal badan ku bixino sidii Somaliland ay Aqoonsi buuxa ku heli lahayd, Waxaana ka billaabaynaa Aqoonsiraadintaas Dalalka Geeska Afrika ku yaalla innagoo uga sii gudbi doonna Dunida. Waxaan bartilmaameedka koowaad ka dhiganaynaa waddamada ja arka aynu nahay, innagoo uga gudbi donna dalalka Galbeedka iyo Koonfurta Afrika ku yaalla oo aan mar xiriir lahayn,” ayuu wasiir Sacad Cali kaga jawaabay su’aal ay Xubnaha Golaha Guurtidu weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ee ahaa inay Xoojinayaan Wadahadalladii kala dhexeeyay Somalia, ayaa Waxay kusoo Beegmayaan xilli dhowr jeer ay baa qdeen kulamo ay labada dhinac ku yeelan lahaayeen Dalka Turkiga,

FEYSAL CALI WARAABE: "NIN GUDDOOMIYE BAARLAMAAN AH MA AHA INUU NALA TARTAMO”

Eng. Feysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa hadallo culus ka soo saaray dha qdhaqaaqyada madaxda Dowladda ee iyagu ka tirsan xisbiyada Kulmiye iyo Wadan, wuxuuna ho osta ka xariiqay arrimo dhowr ah oo uu sheegay in haddii aanay joojin xisbigiisu tallaabooyin kale qaadayo.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sheegay in xisbiga Wadani kharajka Baarlamaanka u adee gsanayo ololaha uu ka wado gobolada Somaliland, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ka qabato arrintaasi.

"Nin Gudoomiye Baarlamaan ah ma aha inuu nala tartamo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo sheegay in xisbiyada Somaliland ay si siman u tartamaan.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ay ku dagaalame en markii ay booqanayeen gobolada somaliland oo u tartamayeen ololaha doorashooyinka, wuxuu na Guddoomiye Feysal ammaanay qalabka loo adeegsanayo doorashooyinka.

MARWADA MADAXWEYNAHA DALKA MARWO SAHRO OO KA QEYBGASHAY XUSKA MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA .

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, Wasiirka Haweenka, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka ee 8 Maarso, ka asi oo ay sdioo kale ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ururrada hawe enka.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka ayaa goobta lagu soo ban dhigay suugaan ka hadlayso qiimaha shalay oo kale ay u leedahay haweenka caalamka, gaar aha an haweenka Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan.

Guddoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa xustay in haweenka ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarinta dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha Cabdiqani Sheekh Cumar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saari doonto sidii ay u soo dhicin lahayd xuquuqda ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cumar "Caashokoos” iyo Xildhibaan Maryan Macalin ayaa si wada jir ah u tilmaamay in haweenku ay yihiin la dhabarka bulshada, ayna ku faraxsanyihiin ka qeyb galka xuska maalinta haweenka caalamka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soo maaliya Muumino Sheekh Cumar ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay garab taagantahay haweenka Soomaaliyeed, isla markaana haweenku looga baahanyahay inay maalgeshi ku sameystaan dal kooda, ayna ka difaacaan cadowga.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo u hambalyeysay haweenka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqday in Wasaarad da ay dhiiri gelineyso midnimada Haweenka Soomaaliyeed, si ay uga qeyb qaataan doorka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana ay hawe ennka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo ka difaacidda cadowga dalka, isla markaana ay hay’adaha amniga ku tageeraan adkeynta nabadgelyada si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada AlShabaab.

Shalay oo kale caalamka waxaa looga dabaal degaa xuska maalinta haweenka adduunka, waana maalin caalami ah, haweenka ayaa u dabaal dega guulaha, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siya asadda haweenka.

GABAR SOOMAALI AH OO WERIYE KA NOQOTAY MID KA MID AH TELEFISHINADA UGU CAANSAN MAREYKANKA ..

Dalka Mareykanka waxaa ku sii badanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee iyagu ka qeyb qaada naya howlaha kala duwan ee dalkaasi ka socda, iyagoo ku milmaya hay’adaha dowladda federaal ka Mareykanka, iyadoo iminkana gabar Soomaali ah weriye ka noqotay mid ka mid ah telefishan ada Mareykanka ugu caansan.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Naciima Cabdullaahi ayaa weriye ka noqotay Telefishanka FOX46 News, iyadoo tebineysa warar ku saabsan doorashooyinka madaxtinimada ee ka socda dalkaasi.

Naciima Cabdullaahi ayaa wareysiyo kala duwan ka qaadeysa qeybaha kala duwan ee sha cabka, Booliska magaalada Pageland iyo guddiyada doorashooyinka dalkaasi.

Dhinaca kale Naciima Cabdullaahi oo ku dhalatay dalka Mareykanka ayaa waalidkeed ka yi mid bariga Afrika, iyagoo dalkooda uga cararay colaadaha ka aloosan halkaasi oo ay ku barbaartay isla markaana waxbarasheeda ku qaadatay isla dalka Mareykanka.

Gabadhaan ka tirsan Soomaalida Mareykanka ee iminka weriyaha ka noqotay Telefishanka FOX46 News ayaa muujineysa sida ay Soomaalida dalkaasi doorkooda uga qaadanayaan howlaha muhiimka ah iyo hay’adaha dowladda Mareykanka.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA MIDOWGA YURUB

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdu laahi Xaaji Cumar Camey ayaa shalay March 8, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay Wafti uu hoggaamina yo madaxa xafiiska siyaasadda ee midowga Yurub.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdu laahi Xaaji Cumar ayaa waftigii ka socdey midowga Yurub u sheegay in dawladda Puntland ay ku shaqayso rabitaanka shabkeeda isla markaana shacabka Puntland ay hore u caddeeyeen dar een kooda ku aadan in dalka dib loogu celiyo hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5, kaas oo wadd anka hore u soo ragaadiyey, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax iska beddeley go’ aankaasi.

Wafdigii ka socdey midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in ay Puntland ka caawin doo naan hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ama hannaanka axsaabta badan maadaama dhow aan ay Dawladdu magcawday guddigii doorashooyinka Puntland.

Waftiga ayaa sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha madaxweynaha waxay kala hadleen geeddisocodka Doorashooyinka 2016ka iyo mawqifka Puntland ee hannaanka doorashooyinka 2016ka.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 aanay wax dan ahi ugu jirin guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu haddii la oggolaado meesha ka saari doono rajadii laga qabey helitaanka qaranimo Soomaliyeed oo markale cageheeda isku taagta isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.

DOWLADDA TURKIGA OO QORSHAYNAYSA INAY DHAWAAN KA HERGELISO SOOMAALIYA SALDHIG MILATARY

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan Saldhigga Milliteri oo ay ka furan doonaan gudaha dalka Somalia, si loogu tababaro Milliteriga Dowl adda Federalka Soomaaliya.

Wasiirka oo daraad ka hadlay Kulan ay lahaayeen Mudanayaasha Barlamaanka Turkiga ay aa sheegay inay Xilliga Dayrta ee soo socota hirgelin doonaan Saldhigaasi oo uu sheegay inuu muhiim u yahay Ammaanka Somalia iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed.

"Soomaaliya waxaan ka hirgelinaynaa Dhismaha Safaaradda Turkiga, taasi ku fadhida dhul cabirkiisu dhan yahay 80 Hektar” ayuu yiri

Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga oo sidoo kale xaqiijiyay inay sidoo kale dhisayaan Sal dhig Milatery oo Turkigu leeyahay.

Dowladda Turkiga ayaa safka hore kaga jirto Dowladaha taageerada ugu xooggan la garab taagan Dowladda Federalka Soomaaliya.

AL SHABAAB OO KA HADLAY DUQEYNTA MAREYKANKA UU UGU GEYSTAY XERO CIIDAN OO KU TAALLO GOBOLKA HIIRAAN

Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxa ay si rasmi ah uga hadleen Duqeynta Diyaaradaha aanan cidi wadin ee Droneka ay ka geysteen Xero ciidan oo ku taallo Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegan lagu magacaabo Raaso oo Mareykanka uu sheegay inay halkaasi ku dileen 150 Askari oo Shabaab ka tirsan.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhinaca howlgalada Ururka Al Shabaab ayaa Aljazeera u sheegay inay jirto Duqeynta Mareykanka uu ka geystay Gobolka Hiiraan, balse aysan jirin tirada Askarta Mareykanka uu sheegay in lagu laayay weerarkaasi.

"Amerikaanku riyo ayey ku jiraan, weligeen cadad intaas la eg oo ciidankeena ah ma isugu keenin mana ku kulminin hal meel, waan ka warqabnaa xaaladda amaanka” ayuu yiri Sheekh C/CaziizAbuu Muscab, Afayeenka ciidanka MujaahidiintaAlShabaab oo la hadlay TVga AlJazeera.

"Haa weerar waa uu dhacay, wuxuuna ka dhacay deegaanka ay sheegeen laakiin Numberka ay caalamka u sheegayaan in ay dileen waa been waxba kama jiraan ah.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Abuu Muscab.

Shabaab ma aysan faahfaahin hadii Duqeynta Raaso ay ka dhacday cida lala eegtay iyo halka ay ku dhaceen Gantaalada Diyaaradaha Droneka ee Mareykanka ay rideen.

Hadalka ka soo baxay Shabaabka ayaa muujinaya inuu jiro Khasaare soo gaaray Kooxda Shabaab, balse aysan cadeyn inta uu la eeg yahay Khasaarahaasi soo gaaray.

Mareykanka ayaa sheegtay in Duqeynta Raaso ka dhacday lagu dilay Askar gaaraysa 150 Askari oo ka tirsan Shabaab, kadib markii ay beegsadeen xero Millateri oo lagu diyaarinaayay ciidamo qaadi rabay weeraro.

MAREYKANKA OO KA HADLAY DOONTA LA SHEEGAY INAY HUBKA U SOO SIDAY SOMALIYA

Doonida hubka badan siday ee la sheegay inay ku soo wajahneyd xeebaha dalka Somaliya ayaa la aaminsan yahay inay ka timid dalka Iran sida uu baahiyay telefishanka NBC ee dalka Mareykanka.

Ciidamada Badda Australia guutada lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa ka qabtay doonida yar oo lagu qariyay hubka meel 200 oo mile u jirta xeebaha dalka Cuman, waxayna ciidamadaasi qeyb ka yihiin ciidamo ka kooban dalalka Canada, Mareykanka, UK iyo wadamo kale oo la dagaalama Burcad badeeda iyo dhoofinta waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada Australia ayaanan faahfaahin dheeri ah ka bixin doonidaasi iyo waxay aheyd, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada Badda Mareykanka ayaa aaminsan in doonidaasi ka timid dalka Iran, maadaama shaqaalaha ay yihiin kuwo Iran u dhashay.

Hubka la qabtay ayaa ka koobnaa 1989 qori oo Ak47 ah, 100 gantaalada gacanta laga gano ah, 49 PKM oo Russian ah,iyo ku dhawaad 60 hoobiye ah.

Ciidamada badda Mareykanka ayaa markii hore sheegay in doonida ay u socotay kooxaha xuutiyiinta dalka yemen, balse markii dambe ayay sheegeen iney xaqiiqo tahay in hubka uu ku soo wajahnaa xeebaha dalka Somaliya.

Dowlada Iran ayaa dhawaan mamnuucday dhoofinta hubka marka loo eego qodobadii kamid ahaa hishiiskii dhanka Nuclearka ee la gaaray.

Warbixin sanadkii 2014 ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Iran hub badan ay u dhoofiso kooxda Xamas, iyadoo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu mamnu ucay in hubka la dhoofiyo.

AHLU SUNNA OO NASIIB DARRO KU TILMAAMTAY XARIGA CABDI WAAL

Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay xariga ay Dowladda Somaliya u gaysatay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), oo ku xiran Magaala da Muqdisho.

Siyaasigan waxaa Isniintii laga soo qabtay hotel uu ka deganaa Magaalada Nairobi, ka dib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay soo saartay warqad digniin ah oo Siyaasigaasi lagu soo xiri karo. Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa Kenya weydiistay in Dowladda Somaliya laga caawiyo, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Cabdi Nuure Siyaad, haddii uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi, islamarkaana ay baadigoobeyso Maxkamad da Ciidamada Qalabka Sida Somaliya.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow, Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa sheegay in Maamulkoodu uu ka xun yahay tallaabada lagu soo xiray Cabdi Nuure Siyaad.

"Runtii waa wax aan aad iyo aad kaga xunahay xariga loo gaystay Cabdi Nuure Siyaad. Waa wax nasiib darro ah in isagoo dalkii ka maqan lagu katiinadeeyo dal shisheeye, laguna soo celiyo Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Af-hayeenka, ayaa yiri "Markii horeba Magaalada Muqdisho wuxuu kaga tagey waa caburin iyo inuu naftiisa badbaadsado. Gobolada Dhexe wuxuu noogu yimid, waxaa lagu nabadgelin waayay Maga alada Muqdisho.”

Ina Xeefow, ayaa intaa ku daray "Cabdi Nuure Siyaad muddooyinkanba Magaalada Nairobi ayuu deganaa. Ka hor wuxuu safaro kala duwan uu ku tagey Sacuudiga, Emirateka iyo dalka Talyaaniga. Soo qabashadiisa waxay ku soo beegmaysaa, mar uu ka soo laabtay dibadda.”

Siyaasigan, ayaa Magaalada Muqdisho ka cararay, ka dib markii uu 10kii bishii August ee sanadkii 2014-kii ka baxsaday hawlgal qorsheysan oo lagu doonaayay in lagu soo xiro oo ka dhacay hoyga Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare Afrax, oo ku yaala Degmada Wadajir Ee Galb eedka Magaalada Muqdisho. Hawlgalkaasi waxaa horkacaayay Taliyihii Hore Ciidanka Nabad Sugg ida Gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), waxaana markaasi lagu eedeeyay inuu qayb ka yahay falalka amni darrada ee ka dhacaaya Caasimadda.

Cabdi Waal, ayaa waxaa lagu xusuustaa in si adag uu Warbaahinta kaga weerari jiray Madaxda Dowladda Somaliya, oo uu ku eedeeyay kuwo aan u bisleen Qaranimada, islamarkaana kala fogeynaaya dadka Somaliyeed. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay in Qarankii dhammaa ay ku soo koobeen hal urur..

OGEYSIISOGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISMUHIIM AH OO AY KUU HEYSOHEY’ADDA UNICEF

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

 

INVITATION to (BID)

 

 

LRPS-2016-9122429 17February. 2016

 

 

UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND(UNICEF)

Wishes to Purchase

 

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

[SEALED] offers should be sent to Physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central, Somalia

LRPS- 2016-9122429

Attenion: Gerard Magbity (Supply and Logistics Speciallist CSZ)

 

Or

 

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145,00100,Nairobi,Kenya.

LRPS-2016-9122429

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

 

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

The ReferenceLRPS- 2016-9122429must be shown on the envelope containing the the offer.

 

Bid form and schedule(s) must be used when replying to this invitation. You are welcome to

encloseyour own [specifications / terms of references] etc., if necessary.

 

Offers must be received by latest 14:00 am 22 Marsh.2016 and will be publicly opened at

14:30 on the 22Marsh, 2016at both the two addresses indicated above. Bids receivied after the

stipulated date and time will be invalidated. Bids received after the stipulated date and time will

be invalidated.

 

It is important that you read all the provisions of bid, to ansure that you

understand UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them.

Note that failure to provide compllant offers may result in invalidadtion of bid.

 

THIS INVITATION TO BID HAS BEEN:-

 

Prepared by Giogio Figus








PLEASEPICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOCUMENTS FOR THE

OFFICES INDICATED ABOCE

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip