xarig kaligiis ah Maxkamadda hor keenay?=Nasashada Jimcaha. Q-212=

0
Friday August 07, 2020 - 21:00:39 in Wararka by
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xarig kaligiis ah Maxkamadda hor keenay?=Nasashada Jimcaha. Q-212=

    1-Nin ayaa Maxkamadda lagu soo Dacweeyay, Qaaligii ayaa yiri: Adiga maxaa laguugu soo Eedeeyay?. Waxa uu yiri: Xarig yar oo duq ah oo meel yiil ayaan hore u soo jiiday. Qaaligii ayaa yiri: Ma intaas ayaa dhan wax Nin weyn lagu soo eedeeyo, Dacwadu wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin ayaa Maxkamadda lagu soo Dacweeyay, Qaaligii ayaa yiri: Adiga maxaa laguugu soo Eedeeyay?. Waxa uu yiri: Xarig yar oo duq ah oo meel yiil ayaan hore u soo jiiday. Qaaligii ayaa yiri: Ma intaas ayaa dhan wax Nin weyn lagu soo eedeeyo, Dacwadu waa xiran tahay, Iridda ka wada baxa. Waxaa lagu yiri: Qaaliyoow ma hal dhinac ayaad dhageeysatay, Ma is weeydiisay Xarigga Dhinaca kale maxaa uga Xirnaa? . Xariga Sac ku xirnaa ayuu xaday.( F.S:1aad) (Ma isweydiisay,Shirka Mudulood, yaa xarig kaligiis ah Maxkamadda hor keenay?. Sicii yaa ka furtay?. yaa Bayaankii bedelay oo Bulshada Page kale u aqriyay?. Ilmaha maxaa loo Lisi rabaa?. Qaaligu waa quman yahay ee yaan loo masalo xumeeyn. Ha niyad jabin, Jaakadaha kaliyana ha fiirin, Jeejeeso si aad wax ogaatide, Shirweynaha Guul.) 2- Nin Bidaaru Basadiisa Tintii kala biibtay, ayaa Maalin Suuqa ku dhax orday, isaga oo ku Qeeylinaayo, war ka carara, war ka carara. Dadkii oo dhan ayaa wada Cararay, Wixii Waddada marayay ayaa ka daba cararay. Ninkii ayaa Daalay oo meel fadhiistay, waxaa lagu yiri: war waxa aad ka carartay, oo Annaguna aan ka soo wada cararnay maxeey ahaayeen? . Waxaa uu yiri: Waxaan Maqlay Timahaa la iska Xiirayaa. ( F.S: 2aad) ( Xildhibaan ordaayo hadaad aragto, ka har inta ownan kufin, yuuna ku dhihin Mooshinaa la soo socdo, Mooshinkuba soow isaga maahan) 3-Nin Reer Mudug ah ayaa yimid meel lagu garamaayo oo Qolo gartii looga helay, waxa uu ku yiri: Anniga weligeey Gar la igama helin. Waxa lagu yiri: sideey ku dhacday, Qof kasta oo Aduunka joogo marna isagaa Gar helo marna waa laga helaa. Waxa uu yiri: waxaa Gar laga helaa, Qof Xumaanta ka xishoodo, Annigu Ceeb kama Cabsado, Sharci iyo sharaf ma qiimeeyo, sidaa darteen Anniga weligey Gar la igama helin. (Ma Baarlamaankii Somalidaa, Gudoomiyahoodii hore gardareeystay, Raisul wasaare Daqiiqado ku eryay, Baarlamaan xishoodo, Sharcigana ilaaliyo ayaa Gar qaato,).        

           

                4-Nin aan Weligii ammaanin Cunto Xaaskiisu karisay, ayaa maalin Masjidka ka maqlay, Sheikh leh, Xaaskaagu Cuntada haddii ey kuu keento waa la ammaanaa. Markii uu Guriga tagay ee Cuntadii Miiska loo soo saaray ayuu Amaan ku ku bilaabay Cuntadii, markuu cunayna waa sii ammaanay.

             Xaaskii ayaa Dharbaaxo ku qaaday, waryaa, weligeey ayaan cuntada kuu Karin jiray, Maanta kaliya oo Jaariyaddu karisay miyaad Amaanee.( F.S: 3aad).

Maxaad sugee Calaacal, Babe, walaahi in aad Adigu karisay ayaan u maleeynayay.

             5-Police ka ayaa qabtay Nin Tuug ah oo Guri dhacayo. Police-kii ayaa si caro leh ku yiri: Sideed Maalin cad Guri islaameed wax uga xadeeysaa?. Tuugii ayaa yiri: Somali maxeey isku Fahmi weeysay ayaa la leeyahay. Ayaan horena markii aad i qabatay, waxaad igu tiri: Sideed Habeen Barkii Guri islaameed wax uga xadee. Bal Hadda Adigu ii sheeg goormeen wax xadaa?.

             ( Nin Xoogsatada Xamar ka mid ah ayaa yiri: Sannadkaan waxaa iigu yaab badneed markii la i yiri: Habeenkiina waa Bandoow,Maalintiina Jidkaa xiran, Gurigana keyd iima yaal ,goormeen shaqeeysaa).

             6- Bakhiil ayaa wiilkiisii ku yiri: Sannadkaan haddaad Imtixaanka ku baastid Kubbad ayaa kuu soo iibinayaa, Sananka dambena waan kuu Buufinayaa. ( F.S: 4aad)


( Ar kan Ballan Bakhiil kaliya maahan, ee Ballan Siyaasina waa yahay)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip