Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay tilaabo uu qaaday Gudoomiye Mursal

0
Saturday August 08, 2020 - 19:45:58 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay tilaabo uu qaaday Gudoomiye Mursal

    Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay go'aanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu maanta Miiska ku saaray Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada. Qaramada Midoobey waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay go'aanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu maanta Miiska ku saaray Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada. Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in uusan sax aheyn midka maanta la horgeeyay , islamarkaana loo baahan yahay in Golaha Wasiiradda ay dib u celiyaan. "Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira" ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey. Warka ayaa intaasi kusii daray "Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah" Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa diiday ansixinta Ajendaha kulanka maanta oo ah Mashruuc sharci oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada. Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.

           


Buuqii maanta Golaha Shacabka Ee Mashruuca G



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip