Maxkamada gobolka Hiiraan oo go'aano ka gaareysa is qab-qabsi xagga Dhulalka

0
Saturday August 08, 2020 - 19:33:08 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada gobolka Hiiraan oo go'aano ka gaareysa is qab-qabsi xagga Dhulalka

    Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan, Cabdiraxiin Muxumad Taakooy ayaa sheegay in muwaaddin Soomaaliyeed ay usoo celiyeen Dhul laga haystay muddo 30 Sano ah. Dhulkan oo ku yaalla Degmada Buulo-burte ayaa ahaa mid dhaxaltooyo ah, kaas oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan, Cabdiraxiin Muxumad Taakooy ayaa sheegay in muwaaddin Soomaaliyeed ay usoo celiyeen Dhul laga haystay muddo 30 Sano ah. Dhulkan oo ku yaalla Degmada Buulo-burte ayaa ahaa mid dhaxaltooyo ah, kaas oo ay Maxkamaddu ku guuleysatay in ay dib ugu soo celiso Gacanta dadkii lahaa, sida uu sheegay Guddoomiye Taakooy. Guddoomiye Cabdiraxiin Taakooy, oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan Degmada Buulo-burte ayaa sheegay in halkaasi ay u gaareen, xallinta is qab-qabsi xagga Dhul ah iyo dacwadaha madaniga ah oo ka jiray Degmada Buulo-burte. Mudane, C/raxiin ayaa sheegay inuu halkaasi kula kulmay maamulka Degmada iyo kan Maxkamadda, iyagoo ka wada hadlay sidii Bulshada loo gaarsiin lahaa xukunka Dowliga ah iyo in Dadka laga soo weeciyo in ay caddaalad u raadsadaan meelo ka baxsan garsoorka Dowladda. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan, Cabdiraxiin Muxumad Taakooy ayaa intaa ku daray in dhowaan ay kormeeri doonaan Degaanno kale oo ka tirsan Gobolka si ay u fuliyaan xukunada halkaasi yaalla, isla markaana ay Dadka baraan in ay ku kalsoonaadaan Dowladdooda.

     



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip