"Dowladda Soomaaliya waa lagu soo wargeliyay weerarkaas, waxaana tirada maleeshiyada Al-Shabaab uga dhimatay ay u dhaxeysaa 150-200″ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan wali war ka heyn wax madax ah oo ka tirsan Al-Shabaab oo weerarkaas lagu dilay, balse laga yaabo in war la xiriira arrimahan ay gadaal ka soo baxaan.
Waxaa uu sheegay Tababarada Al-Shabaab ay siiyaan dagaalyahanada ay ka qeyb qaataan 150-200 oo dagaalyahan
"Inta badan tababarada kooxda Al-Shabaab waxaa markiiba ka qeyb gala 150-200 oo maleeshiyo, marka tirada dhimashada Mareykanka sheegay ee ah 150 waa sax, haddiiba aysan ka badneyn” ayuu yiri wasiirka.
Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Buulo Burde C/casiis Durow oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in tirada Al-Shabaab uga dhimatay duqeyntaas ay aad u badan tahay, isla markaana ay jiraan rag madax ah oo ku geeriyootay weerarkaas.
Al-Shabaab ayaa xaqiijisay weerarkan inuu dhacay, balse waxaa ay beenisay tirada uu Mareykanka sheegtay ee 150-dagaalyahan, waxaana ay ku tilmaamtay mid buun buunin ah oo laga bad badiyay.
Wasiirka Amniga "Tirada lagu dilay duqeynta Mareykanka 150-200 ayay u dhaxeysaa"
Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in duqeyntii Sabtidii ka dhacday deegaanka Raaso ee Gobolka Hiiraan uu ahaa mid dowladda Soomaaliya lagu soo war geliyay.