Akhriso:- Warar isa soo taraya iyo Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta ee Muqdisho

0
Saturday August 08, 2020 - 15:41:12 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:- Warar isa soo taraya iyo Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta ee Muqdisho

    Warar dheeraad oo isa soo taraya ayaa ka soo baxaya Qarax xooggan barqanimadii Maanta lagu weeraray Xerada ay deggan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo taasoo ah mid kaabiga ku heysa Garoonka Stadium Muqdisho oo bishii hore d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad oo isa soo taraya ayaa ka soo baxaya Qarax xooggan barqanimadii Maanta lagu weeraray Xerada ay deggan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo taasoo ah mid kaabiga ku heysa Garoonka Stadium Muqdisho oo bishii hore dib loo furay ka dib markii la dayactiyry muddo dheer. Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday sida aan wararka ku heleyno hase yeeshee la hadal hayo inuu ahaa NOHA aanse weli noociisa si rasmi ah loo sheegin oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xerada Guutadda 12-ka April ee Muqdisho. Wararka ayaa intaa ku daraya in Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba uu ka oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo Soomaaliyeed ee Xiradaa ku sugnaa iyo waliba dad shacab ah oo xilligaa ku sugnaa goobta qarax ka dhacay iyo xarunta hareeraheeda deegaan u hayed .
Wararka ayaa sheegaya in Ugu yaraan 9 Askari oo ka tirsan Ciidamadii ku sugnaa Xerada ayaa ku geeriyoodeen qaraxaasi, halka in ka badan 12 qofna oo kalena  ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo gaadiidka Gurmadka deg Degga ah looga soo qaaday goobta, isla markaana lagu geeyay Xarumaha Caafimaadka ee Caasimadda muqdisho si gargaar loogu fidiyo.

     dhinaca kale  warar soo baxaya ayaa sheegaya in War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ay  ku sheegteen mas’u uliyadda weerarkii xooganaa ee Maanta lagu qaaday xerada ay degan yihiin  Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee M/Muqdisho.

       Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo Burbur gaadiid, in kastoo aysan shaacin tirro Khasaaro ah oo ka dhashay weerarka, iyadoo Warka ay soo saareen Shabaab intaas lagu ekeeyay.

      Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laammaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay Maanta Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku soo beegmayaa, iyadoo todobaadkii hore Qarax ka dhacay Caasimadda  muqdisho gaar ahaa Maqyaadda LuulYamie ee degmada Xamar jajab uu geystay Khasaaroyin kala duwan.

     Wixii ku soo kordha xaladda qarax oo rasmi ah wararkeena danbe ayaan idnkugu soo gudbin doonnaa insha allaa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip