Casharka ugu weyn ee laga bartay xil ka qaadista Kheyre

0
Saturday August 08, 2020 - 15:19:17 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Casharka ugu weyn ee laga bartay xil ka qaadista Kheyre

    Ugu horreyn, waxaan qabaa in RW Xassan Cali Kheyre uu mas'uuliyad ballaaran ku leeyahay xadgudubyada iyo dib u dhaca 3 sano iyo 1/2 la soo dhaafay dalka ka dhacay. Wuxuu kaloo kaalin mug leh ku leeyahay guulaha iyo horumarka dhalanteedka ah ee d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horreyn, waxaan qabaa in RW Xassan Cali Kheyre uu mas'uuliyad ballaaran ku leeyahay xadgudubyada iyo dib u dhaca 3 sano iyo 1/2 la soo dhaafay dalka ka dhacay. Wuxuu kaloo kaalin mug leh ku leeyahay guulaha iyo horumarka dhalanteedka ah ee dowladda la magac baxday Nabad & Nolol (N&N) sheeganeyso. Eedaha ugu waaweyn ee loo haysto RW Kheyre waxaa ka mid ah kaalintii asaga iyo Golaha Wasiiradda ku lahaayeen dhiibistii mujaahid qalbidhagax iyo ku tilmaamidda jabhadda ONLF urur argagixiso ah, xil ka qaadistii sharcidarrada iyo dagaalka aheyd ee Guddomiye M. Sh. Osman Jawaari, xil ka qaadidda gardarrada iyo maamulxumada aheyd ee wasiirro ay ka mid yihiin Drs. Maryam Qaasim, Khadra Ducaale, yusuf garad, iyo Cabdi Faarax Juxa kuwaaso ku dhiirraday in Ra'iisul Wasaaraha u sheegaan wixii la qaldanaa, isla markaana difaacanayay mas'uuliyadooda wasiirnimo sida ku cad dastuurka kmg. Xaqiiqada waxay tahay in Madaxweyne Farmaajo lahaa go'aannada Ra'iisul Wasaare kheyre ku eedeysan yahay. Inkastoo fursado badan la siiyay, Madaxweyne Farmaajo marna kama qoomameyn, iskama fogeyn dhacdooyinkaas foosha xuma iyo kuwo kale ee la midka ahaa. Sidaas oo kale, Xildhibannada BF oo matalaya shacabka soomaaliyeed wax hadal ah kama dhihin arrimaha shacabka soomaaliyeed dhibsadeen, shucuurtooda taabatay, ay dhalliileen, taaso ugu dambeyn aad u dhaawacday kalsoonida lagu qabo dowladda Federaalka Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo. Waxaa maanta la maraya in beelaha soomaaliyeed dib isu abaabulaan, ku dhawaaqaan in dalka halis ku jiro, reer walbana ka fekero midnimadiisa, badbaadadiisa. Nasiib darro, Madaxweyne Farmaajo weli ma garan ismana weydiin sababaha ka dambeeya kalsooni darrada ama quusta laga gaaray dowladdiisa.              Mas’uuliyadda hoggaaminta Soomaaliya waxay wada saaran tahay, ka dhexeysa Madaxweynaha, barlamaanka Federaalka, Ra’iisul wasaaraha iyo golahiisa Wasiirrada, Guddiga Garsoorka Qaranka, iyo Madaxda dowlad goboleedyada. Dastuurka kmg ayaa qeexaya mas’uuliyadaha wadaagga ah iyo kuwa gooni gooniga loo kala leeyahay. Madaxweynaha JFS ayaa u xilsaaran inuu hubiyo in hawlfulinta hay’adaha dowladda waafaqsan tahay dastuurka, sharciga, iyo maslaxadda guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.

               Fulinta xilka mas’uul kasta ama hay’ad kasta saaran waxay bilaabmeysa maalinta la dhaariyo. Haddii ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ka gaabiyaan  xil-gudashadooda, ku kacaan xadgudub, Madaxweynaha iyo Barlamaanka Federaalka ayaa laga rabaa inay si degdeg wax uga qabtaan. Haddiise aysan waxba qaban, Madaxweynaha iyo Barlamaanka Federaalka waxay qaadayaan dambi ka weyn kan ra’iisul wasaaraha waayo waxay ka gaabiyeen gudashada xilkooda dabagalka, korjoogteynta, iyo saxitaanka ah; waxaana loo arkaya inay amreen, raalli ka yihiin xadgudub kasta oo dhacay.

             Maxkamadda caalamiga waxay madaxweynayaal badan ku eedeysay dambiyo ay galeen saraakiil hoose oo ka amar qaata. Dalka waxaa ugu sarreeya Madaxweynaha oo laga rabo inuu si joogta ah u ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka iyo sharciga. Mas’uuliyadda ma ahaan in la sheegto awood-sharci-ilaalin marka ujeedo gaar ah laga leeyahay.

             Siyaabo kala duwan ayaa looga falceliyay xil ka qaadista Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre. Qolo si farxad ku dheehan tahay ayey u soo dhaweeyay xil ka qaadistiisa sababo kala duwan (siyaasad, aargoosi, dano dhaqaale). Qolo waxba kama qabin xil ka qaadistiisa haseyeeshe waxay dhalliileen habka loo maray xil ka qaadista; qolo waa ka soo horjeedeen xil ka qaadista ayagoo Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tilmaamaya inuu ahaa halyeyga N&N.

Dastuurka iyo xeer hoosaadka barlamaanka ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha laga qaadi karo xilkiisa iyo habka looga qaadi karo si loo dardargeliyo xilgudashada Xukuumadda. Aniga waxaan qabaa in habka loo maray xil ka qaadista Ra’iisul Wasaare Xassan Kheire oo qaadatay 7 dadiiqo iyo sida loola dhaqmay daqiiqadahaas ka hor iyo kaddib ay daaha ka qaadeen saddex cashar:

  1. In Madaxweyne Farmaajo aabe iyo hooyo u ahaa xadgudubyada, dambiyada, musuqmusuqa ka dhacay dalka 3 sano iyo 1/2 ee la soo dhaafay sababtoo ah ma ilaalin ku dhaqanka sharciga sida uu ku dhaartay. Arrintaas waxaa markhaati fur u ah in arrimaha lagu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha ay ahaayeen arrimo 3 sano taagnaa, lagana baaqsaday in wax laga qabto waqti hore;
  2. In Soomaaliya noqotay dal uusan ka jirin dastuur iyo sharci hoggaaminaya, xakameynaya ficillada madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka;
  3. Inuusan jirin xurmo loo hayo dowladnimada oo mataleysa karaamada ummadda soomaaliyeed. Adduunka waxaa ka fejiciyay in Ra’iisul Wasaaraha dal leh dastuur dimoqradi ah xilka looga qaaday 7 daqiiqo. Walow inta la socota siyaasadda Soomaaliya ay aaminsan yihiin in go’aanka xil ka qaadista uu ka yimid Madaxweyne Farmaajo iyo Amir Fahad Yaasin, haddana go’aankaas waxaa si aad u foolxun u fuliyay guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku Xigeenka 1aa ee Barlamaanka Federaalka, kuwaaso cambaareyn iyo dhalliil caalami ah iyo sumcad xumo u soo jeediyay dadka iyo dalka soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxay u dhimaneysa fadeexaddaas ay Guddomiye Mursal iyo guddoomiye ku Xigeen Mudey hormudka ka ahaayeen.

Maadama abaabulayaasha xil ka qaadista Ra’iisul Wasaare kheyre ku tashanayeen codka xikdhibanno ka badan 139, ma jirin sabab ay ummadda soomaaliyeed ugu soo jiidaan karaamo darro iyo ma hadho tusaale xun u noqota dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo dhaqan xumo dowladeed ah in wasiirrada Golaha wasiirrada oo kalsoonida lagala noqday ay taageeraan xil ka qaadista Xukuumadda ay ka tirsan yihiin oo lagu soo eedeyay xil gudasho la’aan.

           Lama aqbali karo in Golaha wasiirrada 3 sano iyo 1/2 RW Kheyre hoggaaminayay sheegto guulo wax qabad, ama ay ka mid noqdaan golaha Wasiiradda la dhisi doono. Mas’uuliyadda fadeexadda soo gaartay ummadda soomaaliyeed waxaa wadaagaya Madaxweyne Farmaajo, Amir Fahad Yaasin, iyo guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Mudey ee Barlamaanka Federaalka.

          Waxaa caddaan ah in xil ka qaadista Ra’iisul Xassan Cali Kheyre la go’aansaday kaddib markii uu dhawr jeer ku dhawaaqay inuu ka soo horjeedo ololaha Madaxweyne Farmaajo iyo Amir Fahad ugu jireen muddo-kordhinta mudda xikeedka Madaxweynaha iyo BF ay ka harsan tahay 5 bilood iyo maalmo, dalkana aysan ka dhicin doorasho waqtigii loogu tala galay.

          Dhib kasta oo dadka iyo dalka soomaaliyeed soo gaaray muddo xileedka Madaxweyne Farmajo, Shacabka soomaaliyeed waa dulqaateen, waxayna doorbideen inay sugaan waqtiga doorashada si hab sharci ah u yimaado isbeddel lagu badbaadinayo dadaalka dib loogu dhisayo dowladnimada Soomaaliya.

Maanta waxaa la qaadan la’yahay in Madaxweyne Farmajo ku adkeysanayo inuu rabo inuu kursiga ku fadhiyo muddo dhaafsiisan waqtiga dastuurka kmg xadiday, doorashada dib loo dhigo, ayadoo la abuurayo buuq iyo muran ku saabsan doorasho hal qof hal cod oo habayarate aan diyaar garow loo sameyn xag siyaasadeed, sharci, maamul, dhaqaale, iyo nabadgelyo.

        Mar haddii Madaxweynihii loo doortay ilaalinta ku dhaqanka sharciga uu 3 sano iyo 1/2 ka shaqeynayay ku tumashada sharciga iyo dhidiba u aasidda xukun keligi talis ah, ay ka talinayaan shakhsiyad aan cidna dooran, waxaan qabaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre yahay kalkaaliye dambiile (accomplice), mudan eedeyn iyo ciqaab haseyeeshe isdaba qabtay oo ku dhiirriday inuu ka leexdo kooxda wadata mu’aamaradda xukun boobka ah ee la soo qorsheeyay mar hore, kuna markhaati furo. Sharciga wuxuu qabaa in dambiilahaas la siiyo ciqaab dhimid.

Dr. Maxamuud Maxamed Culusow – Waa guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo musharax madaxweyne oo hore.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.comMahadsanid

xigasho Caasimadda.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip