Sarkaal ka tirsan NISA oo xalay ka badbaaday Weerar ka dhacay Guri-ceel.

0
Saturday August 08, 2020 - 14:45:23 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan NISA oo xalay ka badbaaday Weerar ka dhacay Guri-ceel.

    Bam-gacmeed ayaa waxaa lagu weeraray guriga Sarkaal ka tirsanaa Saraakiisha Hay'adda NISA ee DG Galmudug ku degganaa Xaafadda Bilan ee D egmadda Guri-ceel ee Gobalka Galgaduud. Weerarkaasi oo dhacay Fiidnimadii xalay waxa uu burbur u g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bam-gacmeed ayaa waxaa lagu weeraray guriga Sarkaal ka tirsanaa Saraakiisha Hay'adda NISA ee DG Galmudug ku degganaa Xaafadda Bilan ee D egmadda Guri-ceel ee Gobalka Galgaduud. Weerarkaasi oo dhacay Fiidnimadii xalay waxa uu burbur u geystay Derbiga Guriga, iyadoo uu Sarkaalkaasi iyo Ilaaladiisa ka badbaadeen weerarkaasi, lamana soo sheegin wax dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaasi. Sarkaalka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Kolonel C/llahi Cabdi Raage, kaasi oo ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu-sunna ee ku biiray Ciiddanka Dowladda. Sarkaalkaasi waxa uu horey u ahaa Taliyihii Ciiddanka Khaaska ee Madaxii Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir, waxa kale oo uu ahaa Sarkaalkii qabtay Ninkii Weerarka Is-qarxinta ee bishii May 23-dii ee sanadkii hore lala maaganaa munaasabad Baroor-diiq oo lagu qabtay Degmadda Guri-ceel. Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii Bam-gacmeedka ee xalay ka dhacay Guri-ceel ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu horeeyey ee Degmadaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2008-dii.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip